HomeWararSidee laga yeelayaa  Ardayda Puntland ee aan gelin Imtixaanka Dowladda?

Sidee laga yeelayaa  Ardayda Puntland ee aan gelin Imtixaanka Dowladda?

Date:

Related stories

Haweenka Suxufiyiinta Soomaaliya oo Weerarro Wajahaya

Suxufiyiin Soomaaliyeed oo Xarig iyo Jirdil Ka Cabanaya

SSUP oo Shir Siyaasadeed uga Qaybgalay Urdun

Xisbiga SSUP ee Soomaaliya oo ka qaybgalay shir siyaasadeed...

Muqdisho oo Lagu Qabtay Madasha Amniga Internetka

Muqdisho waxaa ka furmay Madasha 4-aad ee Amniga Internet-ka Soomaaliya, oo ay soo qabanqaabiyeen NCA iyo Jaamacadda Muqdisho,

Siihayaha Wasiirka Waxbarashada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya  Cabdullaahi Goodax Barre ayaa maanta ka warbixiyay ahmiyadda manhajka waxbarashada aas aasiga ah ee ka dhaqangalay Dalka. Cabdullaahi Goodax Barre  ayaa xaqiijiyay in lala wareegay 24-dugdi ,haatanna ay socdaan dadaal la doonayo in lala wareego 12-dugsi oo kale,wuxuuna intaa raaciyay in bilooyinka soo socda la nidaamin doono Jamacadaha faraha […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Siihayaha Wasiirka Waxbarashada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya  Cabdullaahi Goodax Barre ayaa maanta ka warbixiyay ahmiyadda manhajka waxbarashada aas aasiga ah ee ka dhaqangalay Dalka.

Cabdullaahi Goodax Barre  ayaa xaqiijiyay in lala wareegay 24-dugdi ,haatanna ay socdaan dadaal la doonayo in lala wareego 12-dugsi oo kale,wuxuuna intaa raaciyay in bilooyinka soo socda la nidaamin doono Jamacadaha faraha badan ee ka jira Dalka.

- Advertisement -

Siihayaha Wasiirka Waxbarashada  Soomaaliya  ayaa sheegay in  ay socdaan dadaallo lagu Sameynta siyaasad guud oo ku wajahan horumarinta waxbarashada Dalka.

Dhanka kale Goodax Barre ayaa soo hadal qaaday sida la ga yelayo Ardayda waxkabarata Dugsiyada Puntland, waxaana uu caddeeyay in arday aan galin Imtixaanka ay qaaddo Wasaaradda Waxbarshada uusan heli doonin shahaado.

Waxaa uu sheegay in wasaaraddu ay xil weyn iska saartay soo diyaarinta iyo horumarinta waxbarashada dalka, sidaa darteedna ay doonayaan in guud ahaan dalka ay gaarsiiyaan Manhajka Cusub ee dowladda, ardayda deegaanada Puntland ayuu sheegay in looga bahan yahay in ay galaan Intixaanka Wasaaradda Waxbaarshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ay qaaddo, haddii taasi ay dhici weydana waxaa uu  sheegay in aysan heli doonin wax shahaado ah.

- Advertisement -

Siyaasyiinta Puntland ayuu ugu baaqay in aysan siyaasadeyn Mustaqbalka ardayda Puntland wax-kabarata, isagoo sheegay in siyaasiyiintu aysan hayn meel ay shahaado ka siiyaan ardayda kasoo baxda dugsiyada Puntland, waxaana uu uga digay dhammaan siyaasiyiinta in aysan Mustaqbalka ka lumin Ardayda.

Goodax Barre waxaa uu sheegay in ay Nasiib darro tahay in siyaasiyiinta Puntland ay ardayda Marin habaaabiyaan oo ay waqtiga ka lumiyaan, iyagoon wax shahaado ah u haynin, Imxtixaankii ugu danbeeayay ayuu sheegay in ay kasoo qayb galeen 600 oo arday kuwaas oo ka socday dugsiyada Puntland.

Dadaal dheeri  ah ayuu sheegay in ay ku bixinayaan sidii Puntland ay u dhaqan galin lahayd Manhajka ay soo diyaarisay Wasaaraddu.

Siihayaha Wasaaradda Waxbarashada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa horay dhowr jeer u sheegay in aan shahaado la siin doonin arday aan galin Imtixaanka Mideysan ee Wasaaraddu qaaddo.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts