HomeWararGuddoomiyihii hore ee G/Banaadir “Shirka Dhuusamareeb3 wuxuu wataa ahmiyad Qaran”

Guddoomiyihii hore ee G/Banaadir “Shirka Dhuusamareeb3 wuxuu wataa ahmiyad Qaran”

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Sheegtay in 55% Dhulkii AS Dib Loo Qabsaday

La-taliyaha Amniga Qaranka Soomaaliya, Aweys Xaaji Yuusuf Axmed, ayaa madasha Global Security Forum 2026 ee Doha ka sheegay in dowladda dib ula wareegtay in ka badan 55%

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Guddoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir Taabid Cabdi Maxamed ayaa ka digay in dib u dhac uu ku yimaado Shirka Dhuusamareeb ee loo madalsan yahay in uu berri dhaco. “Shirka Dhuusamareeb3 wuxuu wataa ahmiyad Qaran, inuu fashilmana waxey dalka u horseedi kartaa jahwareer ku saabsan kala-guurka iyo qabsoomida doorashada heer qaran. Shaqsiyaadka ka shaqeynaya in shirku […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Guddoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir Taabid Cabdi Maxamed ayaa ka digay in dib u dhac uu ku yimaado Shirka Dhuusamareeb ee loo madalsan yahay in uu berri dhaco.

“Shirka Dhuusamareeb3 wuxuu wataa ahmiyad Qaran, inuu fashilmana waxey dalka u horseedi kartaa jahwareer ku saabsan kala-guurka iyo qabsoomida doorashada heer qaran. Shaqsiyaadka ka shaqeynaya in shirku qabsoomi waayo ama natiijadiisa la daciifiyo, ha ogaadaan iney ku noqon doonto siriq-siyaasaddeed oo aan ka baxsasho laheyn” ayuu yiri Guddoomiyihii hore Gobolka Banaadir  Taabid Cabdi.

- Advertisement -

Sidoo kale Waxaa uu sheegay in loo baahan yahay dib u heshiisiin dhab ah, waxaa sidoo kale uu sheegay in dhinacyada siyaasadda isku haaya ay la yimaadaan is faham siyaasadeed.

“Waxaan ka digeynaa in dalka la galiyo xaalad hubanti la’aan ah. Shirka Dhuusamareeb3 wuxuu dadka Soomaaliyeed u yahay gacan dib-u-heshisiin iyo jihada deganaansho siyaasaddeed oo lagu gaari karo isfaham. Cidii diida fursaddaha “is ogolka siyaasadda” way iska caddahay togga dheer oo ay ku sii socdaan, balse dadka Soomaaliyeed ee garanaya meesha laga yimid wey soo jeedaan.

Waqtigu waa gabaabsi, waxaana lama huraan ah in xaaladda kala-guurka ah laga heshiiyo. Waxaan ku baaqeynaa in tallada shacabka Soomaaliyeed iyo midda Xisbiyada dhug loo yeesho, oo dannaha shaqsiga ah laga tago, xooggana la isugu geeyo inuu qabsoomo shirka iyo in xal-waara la wada gaaro si danta caamka ah u guuleysato”.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts