HomeWararGuddoomiyihii hore ee G/Banaadir “Shirka Dhuusamareeb3 wuxuu wataa ahmiyad Qaran”

Guddoomiyihii hore ee G/Banaadir “Shirka Dhuusamareeb3 wuxuu wataa ahmiyad Qaran”

Date:

Related stories

Once a Man’s World, Now a Shared Space: Women Transform Mogadishu’s Fish Market.

Every morning, as the sun rises over Mogadishu’s coastline,...

Somali Pirates Hijack Tanker ASANA

MOGADISHU – Somali pirates hijacked the oil tanker ASANA off...

Turkey excludes Somalia from e-Visa expansion

Turkey has expanded its electronic visa (e-Visa) system to...

Danab forces overrun Al-Shabaab stronghold near Jilib

The National Army’s elite Danab commandos have overrun a...

Somalia scrambles for new military allies as AU troops face exit

Somalia's federal government is pressing regional troop-contributing countries to...

Guddoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir Taabid Cabdi Maxamed ayaa ka digay in dib u dhac uu ku yimaado Shirka Dhuusamareeb ee loo madalsan yahay in uu berri dhaco. “Shirka Dhuusamareeb3 wuxuu wataa ahmiyad Qaran, inuu fashilmana waxey dalka u horseedi kartaa jahwareer ku saabsan kala-guurka iyo qabsoomida doorashada heer qaran. Shaqsiyaadka ka shaqeynaya in shirku […]

- Advertisement -

Guddoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir Taabid Cabdi Maxamed ayaa ka digay in dib u dhac uu ku yimaado Shirka Dhuusamareeb ee loo madalsan yahay in uu berri dhaco.

“Shirka Dhuusamareeb3 wuxuu wataa ahmiyad Qaran, inuu fashilmana waxey dalka u horseedi kartaa jahwareer ku saabsan kala-guurka iyo qabsoomida doorashada heer qaran. Shaqsiyaadka ka shaqeynaya in shirku qabsoomi waayo ama natiijadiisa la daciifiyo, ha ogaadaan iney ku noqon doonto siriq-siyaasaddeed oo aan ka baxsasho laheyn” ayuu yiri Guddoomiyihii hore Gobolka Banaadir  Taabid Cabdi.

- Advertisement -

Sidoo kale Waxaa uu sheegay in loo baahan yahay dib u heshiisiin dhab ah, waxaa sidoo kale uu sheegay in dhinacyada siyaasadda isku haaya ay la yimaadaan is faham siyaasadeed.

“Waxaan ka digeynaa in dalka la galiyo xaalad hubanti la’aan ah. Shirka Dhuusamareeb3 wuxuu dadka Soomaaliyeed u yahay gacan dib-u-heshisiin iyo jihada deganaansho siyaasaddeed oo lagu gaari karo isfaham. Cidii diida fursaddaha “is ogolka siyaasadda” way iska caddahay togga dheer oo ay ku sii socdaan, balse dadka Soomaaliyeed ee garanaya meesha laga yimid wey soo jeedaan.

Waqtigu waa gabaabsi, waxaana lama huraan ah in xaaladda kala-guurka ah laga heshiiyo. Waxaan ku baaqeynaa in tallada shacabka Soomaaliyeed iyo midda Xisbiyada dhug loo yeesho, oo dannaha shaqsiga ah laga tago, xooggana la isugu geeyo inuu qabsoomo shirka iyo in xal-waara la wada gaaro si danta caamka ah u guuleysato”.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories