HomeWararQaban-qaabadii ugu dambeysay ee Shirka Dhuusamareeb oo socota

Qaban-qaabadii ugu dambeysay ee Shirka Dhuusamareeb oo socota

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug ayaa waxaa Goordhow la filayaa inuu si rasmi ah uga furmo wejiga labaad ee Shirka Madaxda dowladda Federaalka iyo dowlad Goboleedyada dalka ka jira. Maalmihii lasoo dhaafay waxaa Dhuusamareeb ka socday kulamo gaar-gaar ah oo Madaxda ay yeelanayeen, kuwaasi oo hordhac u ahaa Shirka wadatashiga ee daqiiqado kadib furmi doona, […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug ayaa waxaa Goordhow la filayaa inuu si rasmi ah uga furmo wejiga labaad ee Shirka Madaxda dowladda Federaalka iyo dowlad Goboleedyada dalka ka jira.

Maalmihii lasoo dhaafay waxaa Dhuusamareeb ka socday kulamo gaar-gaar ah oo Madaxda ay yeelanayeen, kuwaasi oo hordhac u ahaa Shirka wadatashiga ee daqiiqado kadib furmi doona, waxaana kulamada gaar gaarka ah lasoo Gaba-gabeeyay Maanta.

- Advertisement -

Madaxda dowladda iyo kuwa Maamul Goboleedyada ayaa weli isku mari la’ qodobada  qaar ee si aadka ah ay uga doodeen, waxaana kamid ah Arrinta Doorashada oo aan weli la isku raacin nooca ay noqoneyso.

Shirka u furmaya Madaxda waxaa uu Ajendihiisu yahay Khubad jeedinta dhammaan Madaxweyneyaasha dowlad Goboleedyada dalka, Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre iyo Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, iyadoo Khudbadaha lagu saleyn doono Arrimo kala duwan, waxaana Mas’uul kasta la siiyay 10 daqiiqo.

Madaxtooyadda Dhuusamareeb ayaa haatan waxaa ka socota qaban-qaabadii ugu dambeysay ee uu ku furmayo Shirka Madaxda, isla markaana waxaa markii uu soo dhamaado laga soo saari doonaa War-murtiyeed.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts