HomeWararSidee ayuu Taliye Odawaa uga badbaaday Qaraxii Muqdisho?

Sidee ayuu Taliye Odawaa uga badbaaday Qaraxii Muqdisho?

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya Generaal Odawaa Yuusuf Raage ayaa ka badbaaday Qarax Ismiidaamin ah oo lala eegtay Kolonyo galbinaysay, xili ay kasoo baxeen Wasaaradda Gaashaandhigga. Qoraal lagu daabacay Bogga Telefashinka Qaranka ayaa waxaa lagu sheegay in Ilaalada Taliye Odawaa ay toogteen Nin isku dayay inuu qarxiyo gaariga uu saarnaa Taliyaha, hayeeshee la hortegay. Sidoo […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya Generaal Odawaa Yuusuf Raage ayaa ka badbaaday Qarax Ismiidaamin ah oo lala eegtay Kolonyo galbinaysay, xili ay kasoo baxeen Wasaaradda Gaashaandhigga.

Qoraal lagu daabacay Bogga Telefashinka Qaranka ayaa waxaa lagu sheegay in Ilaalada Taliye Odawaa ay toogteen Nin isku dayay inuu qarxiyo gaariga uu saarnaa Taliyaha, hayeeshee la hortegay.

- Advertisement -

Sidoo kale dowladda ayaa sheegtay in Ninkaas uu waday gaari nooca Soomaalida u taqaano Saaruf, isla markaana uu doonayay inuu soo dhex-galo kolanyada Ilaalada u aheyd taliyaha Ciidamada, balse markii uu diiday inuu istaago ayay Ciidanka rasaas ku fureen gaariga, sidaasina uu ku qarxay.

“Qofka isqarxiyay ayaa waday gaari noociisu yahay Saaruf, kaas oo doonayay in uu soo dhexgalo kolanyada Ilaalada u ah taliyaha Ciidamada Xoogga dalka Somalia Gen Odaywaa Yusuf Raage, balse markuu diiday in uu ka istaago digniin ay siiyeen ciidamada ayaa rasaas lagu furay kadibna uu isqarxiyay” ayaa lagu yiri Qoraalka dowladda.

Taliye Odawaa oo la hadlay Warbaahinta dowladda ayaa waxaa uu tilmaamay in bartilmaameedka qaraxaas Ismiidaaminta uu isaga ahaa,  balse ciidamada Ilaalada u ah ay ka hortegeen.

- Advertisement -

Wararka ayaa intaas kusii daraya in qaraxaas uu ka dhashay Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac, In kastoo aan si dhab ah loo cadeyn inta uu la egyahay.

 

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts