HomeWararSenator Faroole oo Eedeyn kulul u jeediyay Farmaajo iyo Guddoomiye Mursal

Senator Faroole oo Eedeyn kulul u jeediyay Farmaajo iyo Guddoomiye Mursal

Date:

Related stories

Haweenka Suxufiyiinta Soomaaliya oo Weerarro Wajahaya

Suxufiyiin Soomaaliyeed oo Xarig iyo Jirdil Ka Cabanaya

SSUP oo Shir Siyaasadeed uga Qaybgalay Urdun

Xisbiga SSUP ee Soomaaliya oo ka qaybgalay shir siyaasadeed...

Muqdisho oo Lagu Qabtay Madasha Amniga Internetka

Muqdisho waxaa ka furmay Madasha 4-aad ee Amniga Internet-ka Soomaaliya, oo ay soo qabanqaabiyeen NCA iyo Jaamacadda Muqdisho,

Senator Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud Faroole oo ka tirsan Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka ayaa waxaa uu ka hadlay Go’aankii maalin kahor ay Xildhibaanada Golaha Shacabka ku ansixiyeen Metelaadda Gobolka Banaadir ee Aqalka Sare. Senator Faroole oo warbaahinta kula hadlay Magaalada Garoowe ayaa waxaa uu kasoo horjeestay Go’aankii lagu ansixiyay Metelaadda Gobolka ee Aqalka Sare […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Senator Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud Faroole oo ka tirsan Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka ayaa waxaa uu ka hadlay Go’aankii maalin kahor ay Xildhibaanada Golaha Shacabka ku ansixiyeen Metelaadda Gobolka Banaadir ee Aqalka Sare.

Senator Faroole oo warbaahinta kula hadlay Magaalada Garoowe ayaa waxaa uu kasoo horjeestay Go’aankii lagu ansixiyay Metelaadda Gobolka ee Aqalka Sare looga siiyay 13-xubnood, wuxuuna sheegay in arrintaas uu si adeg uga xun yahay.

- Advertisement -

Sidoo kale waxaa uu sheegay Go’aanka ansixinta ee Metelaadda inuu baal-marsan yahay Dastuurka u yaalla dalka, isagoona eedeeyn kulul u jeediyay Madaxweyne Farmaajo iyo Guddoomiye Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan.

Isaga oo sii hadlaayay Cabdiraxmaan Faroole ayaa waxaa uu Madaxweyne Farmaajo iyo Guddoomiye Mursal ku eedeeyay inay isbaheeysi ka ahayeen sidii loo ansixin lahaa xeerka Metelaadda Gobolka.

Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud Faroole ayaa waxaa kaloo uu tilmaamay in Farmaajo iyo Mursal ay jebiyeen Dastuurka dalka, isla markaana Farmaajo uusan aqoosaneyn Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya, waa sida uu hadalka u dhigay.

- Advertisement -

Si kastaba hadalka Senator Faroole ayaa waxaa uu kusoo aadayaa, iyadoo maalin kahor Xildhibaanada Golaha Shacabka ku ansixiyeen Metelaadda Gobolka Banaadir oo Aqalka Sare laga siiyay 13-xubnood, waxaana arrintaas soo dhaweeyay Mas’uuliyiin badan iyo dadka shacabka.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts