HomeWararCiidamo la wareegay Amniga degaan ay ku dagaalameen Maleeshiyaad

Ciidamo la wareegay Amniga degaan ay ku dagaalameen Maleeshiyaad

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Ciidamo ka tirsan kuwa xoogga dalka qeybta 21-aad iyo kuwo Nabadsugid ah ayaa la wareegay amniga guud ee deegaanka Xananbuure ee Gobolka Galgaduug, halkaas oo uu dagaal xoogan ku dhexmaray laba Maleeshiyo beeleed. Dagaalkaas ka dhacay Xananbuure ayaa waxaa ka dhashay baraago laga cabo biyo oo laga qoday deegaanka, waxaana Maleeshiyaadka ay dagaalkooda isku adeegsadeen […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Ciidamo ka tirsan kuwa xoogga dalka qeybta 21-aad iyo kuwo Nabadsugid ah ayaa la wareegay amniga guud ee deegaanka Xananbuure ee Gobolka Galgaduug, halkaas oo uu dagaal xoogan ku dhexmaray laba Maleeshiyo beeleed.

Dagaalkaas ka dhacay Xananbuure ayaa waxaa ka dhashay baraago laga cabo biyo oo laga qoday deegaanka, waxaana Maleeshiyaadka ay dagaalkooda isku adeegsadeen hubka noocyadiisa kala duwan.

- Advertisement -

Ciidamada Xoogga ayaa haatan ku sugan deegaanka, iyagoona kala dhex-galay labada Maleeshiyo, isla markaana la wareegay amniga Xananbuure ee Gobolka Galgaduud, sida uu sheegay Sarkaal ka tirsan Ciidanka dowladda.

Wararka ayaa intaas kusii daraya in deegaanka ay saacadaha soo socda ay gaari doonaan Ciidamo kale oo ka tirsan Galmudug oo kasoo ambabaxay Magaalada Dhuusamareeb, iyagoo kala dhex-galaya Maleeshiyo beeleedka.

Dagaalkii dhacay ayaa waxaa ka dhashay Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo soo kala gaaray labada dhinac, waxaana halkaas ku dhintay 11 qof oo uu ku jiro Wasiirkii hore ee shaqada Galmudug, halka 25 qof kalena uu dhaawac soo gaaray.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts