HomeWararQaad si qarsoodi ah loo geliyay Muqdisho oo la gubay

Qaad si qarsoodi ah loo geliyay Muqdisho oo la gubay

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Sheegtay in 55% Dhulkii AS Dib Loo Qabsaday

La-taliyaha Amniga Qaranka Soomaaliya, Aweys Xaaji Yuusuf Axmed, ayaa madasha Global Security Forum 2026 ee Doha ka sheegay in dowladda dib ula wareegtay in ka badan 55%

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Ciidanka Booliska Soomaaliya ayaa Maanta fagaare ku yaalla Magaalada Muqdisho waxaa ay ku gubeen qaad farabadan oo si qarsoodi lagu soo geliyay Caasimadda dalka, xili kal hore Dowladda mamnuucday qaadka. Qaadka la gubay ayaa waxaa gacanta kusoo dhigay 4-tii bishaan Juun 2020 Ciidanka Ilaalada xeebaha ee Dowladda, kaasi oo lagu keenay doon nooca kalluumeysiga, hayeeshee […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Ciidanka Booliska Soomaaliya ayaa Maanta fagaare ku yaalla Magaalada Muqdisho waxaa ay ku gubeen qaad farabadan oo si qarsoodi lagu soo geliyay Caasimadda dalka, xili kal hore Dowladda mamnuucday qaadka.

Qaadka la gubay ayaa waxaa gacanta kusoo dhigay 4-tii bishaan Juun 2020 Ciidanka Ilaalada xeebaha ee Dowladda, kaasi oo lagu keenay doon nooca kalluumeysiga, hayeeshee arrintaas ay shacabka kusoo wargeliyeen Ciidanka, sidaasina lagu qabtay.

- Advertisement -

Afhayeenka Ciidanka Booliska dowladda Captain Saciid Doodishe oo la hadlay warbaahinta ayaa waxaa uu sheegay in qaadka markii laga soo dejiyay doonta ay dhac u geysteen rag Maleeshiyo oo goobta ka dhawaa, iyadoo markii dambe Ciidanka Booliska ay si xoog qaadka kaga celiyeen Maleeshiyaadka.

Sidoo kale Afhayeenka ayaa waxaa tilmaamay in qaadka la gubay uu ahaa Lix Jawaan ayna marka hore horgeeyeen Maxkamadda Gobolka Banaadir iyo xafiiska xeer ilaalinta Qaran, iyadoo Go’aan soo baxay lagu gubay qaadkaas oo si sharci darro ah loo soo geliyay Muqdisho.

Ugu dambeyn Afhayeenka Ciidanka Booliska Captain Doodishe ayaa Digniin u diray dadka qaadka ka Ganacsada, isla markaana keena Muqdisho xili dowladda u mamnuucday keenistiisa sababo la xiriira faafida Cudurka COVID-19, wuxuuna xusay in wixii Maanta ka dambeeya cidii lagu qabto qaad sharciga la hor-geyn doono.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts