HomeWararMaamulka Isbitaalka Madiina oo ka hadlay Khasaaraha Qaraxii Maanta

Maamulka Isbitaalka Madiina oo ka hadlay Khasaaraha Qaraxii Maanta

Date:

Related stories

Journalists union raps Puntland authorities over arrest of reporter

The National Union of Somali Journalists (NUSOJ) has mounted...

Madaxweyne Xasan oo tababar u soo xiray saraakiil

Madaxweyne Xasan Sheekh oo tababar u soo xiray saraakiil ka qalin jebiyay Dugsiga TURKSOM, isagoo ku bogaadiyay dadaalkooda iyo adkaysigooda.

Dowladda iyo Mucaaradka oo isku afgartay wadahadal

Dowladda Soomaaliya iyo mucaaradka ayaa isku raacay in la sii wado wadahallada ku saabsan hannaanka doorashooyinka, iyadoo la hiigsanayo in shacabku si toos ah uga qayb qaataan doorashooyinka.

Wasiir Soomaali oo kulan la yeeshay Bangiga Adduunka

Wasiirka Isgaarsiinta Maxamed Soomaali oo Geneva kulan la yeeshay Bangiga Adduunka, isagoo ka hadlay Qorshaha Qaran ee DPI iyo iskaashiga caalamiga ah.

Wasiir Soomaali oo Geneva ku soo bandhigay horumarka dijitaalka Soomaaliya

WSIS+20 oo ka dhacaya Geneva ma Soomaaliya ay ka mid tahay dalalka hormoodka ah?

Waxaa saakay duleedka Magaalada Muqdisho gaar ahaan inta u dhexeeysa deegaanada Lafoole iyo Xaawo ka dhacay qarax xoogan oo geysay Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac soo saaray dad badan oo shacab ah. Qaraxaas oo ahaa miino nooca dhulka lagu aaso ah ayaa waxaa uu haleelay Gaari nooca dadweynaha raacaan ee loo yaqaano Hoomey-da xili […]

- Advertisement -

Waxaa saakay duleedka Magaalada Muqdisho gaar ahaan inta u dhexeeysa deegaanada Lafoole iyo Xaawo ka dhacay qarax xoogan oo geysay Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac soo saaray dad badan oo shacab ah.

Qaraxaas oo ahaa miino nooca dhulka lagu aaso ah ayaa waxaa uu haleelay Gaari nooca dadweynaha raacaan ee loo yaqaano Hoomey-da xili uu marayay inta u dhexeeysa Lafoole iyo Xaawo Cabdi, waxaana saarnaa 13 qof oo isku qoys ahaa.

- Advertisement -

Agaasimaha Isbitaalka Madiina Dr. Maxamed Yuusuf oo Goordhow la hadlay warbaahinta ayaa waxaa uu sheegay in Isbitaalka madiina ee Magaalada Muqdisho la keenay dadkii waxyeelada kasoo gaartay qaraxii ka dhacay duleedka Muqdisho.

Agaasime Maxamed ayaa waxaa uu sheegay in 6 qof ay ku dhinteen qaraxaas, halka 7 of kalena uu soo gaaray dhaawac, isagoo xusay in dadka dhaawacmay ah ay ku jiraa 2 ruux oo halis ah.

Isaga oo sii hadlaayay Agaasimaha ayuu tilmaamay in dadka dhaawacmay haatan dhaqaatiirta Isbitaalka Madiina ee Magaalada Muqdisho ay la tacaalayaan xaaladooda Caafimaad, wuxuuna Alle uga baryay Caafimaad deg deg ah.

- Advertisement -

Weli ma jirto cid sheegatay Mas’uuliyada qaraxaas Khasaaraha geystay ee saakay duleedka Muqdisho, sidoo kalena ma jiro wax war ah oo kasoo baxay dowladda Federaalka Soomaaliya oo ku aadan Qaraxaas dhacay.

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories