HomeWararDil ka dhacay deegaan ka tirsan G/Galgaduud iyo Xiisad ka taagan

Dil ka dhacay deegaan ka tirsan G/Galgaduud iyo Xiisad ka taagan

Date:

Related stories

Haweenka Suxufiyiinta Soomaaliya oo Weerarro Wajahaya

Suxufiyiin Soomaaliyeed oo Xarig iyo Jirdil Ka Cabanaya

SSUP oo Shir Siyaasadeed uga Qaybgalay Urdun

Xisbiga SSUP ee Soomaaliya oo ka qaybgalay shir siyaasadeed...

Muqdisho oo Lagu Qabtay Madasha Amniga Internetka

Muqdisho waxaa ka furmay Madasha 4-aad ee Amniga Internet-ka Soomaaliya, oo ay soo qabanqaabiyeen NCA iyo Jaamacadda Muqdisho,

Wararka aan ka heleyno deegaan Duleedka ka ah Magaalada Dhuusamareeb ayaa sheegaya in saakay halkaas lagu dilay Nin shacab ah oo kamid ahaa dadka deegaanka. Rag hubeysan oo Maleeshiyaad ah ayaa Ninka ku dilay deegaan lagu magacaab Miiracad oo ku yaalla meel aan sidaas ugu fogeyn deegaanka Qalaanqale oo shalay Dagaal xoogan uu ku dhexmaray […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Wararka aan ka heleyno deegaan Duleedka ka ah Magaalada Dhuusamareeb ayaa sheegaya in saakay halkaas lagu dilay Nin shacab ah oo kamid ahaa dadka deegaanka.

Rag hubeysan oo Maleeshiyaad ah ayaa Ninka ku dilay deegaan lagu magacaab Miiracad oo ku yaalla meel aan sidaas ugu fogeyn deegaanka Qalaanqale oo shalay Dagaal xoogan uu ku dhexmaray laba Maleeshiyo beeleed.

- Advertisement -

Dilka loo geystay Ninka ayaa la xusay inuu la xiriiro aano qabiil iyo dagaalkii shalay dhacay, waxaaba goobta uu falka ka dhacay ka baxsaday ragii dilka geystay..

Wararka ayaa intaas kusii daraya in deegaanada Miiracad iyo Qalaanqale ay ka taagan tahay xiisad u dhexeeysa laba Maleeshiyo beeleed oo halkaas wada-dega.

Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa lagu soo waramayaa inuu ka dhashay dagaalkii ka dhacay Qalaanqale, waxaana ku geeriyooday 5 Ruux, halka dad dhow 15 qofoodna ay ku dhaawacmeen.

- Advertisement -

Maamulka Galmudug ayaa wada dadaalo lagu joojinayo dagaalka kasoo cusboonaaday deegaanka Qalaanqale ee duleedka Magaalada Dhuusamareeb, waxaana la filayaa in halkaas ay gaaran Ciidamo si loo kala dhex galo Maleeshiyo beeleedka dagaalamaya.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts