HomeWararWararkii ugu dambeeyay Qarax Khasaaro geystay oo Caawa ka dhacay Garoowe

Wararkii ugu dambeeyay Qarax Khasaaro geystay oo Caawa ka dhacay Garoowe

Date:

Related stories

Haweenka Suxufiyiinta Soomaaliya oo Weerarro Wajahaya

Suxufiyiin Soomaaliyeed oo Xarig iyo Jirdil Ka Cabanaya

SSUP oo Shir Siyaasadeed uga Qaybgalay Urdun

Xisbiga SSUP ee Soomaaliya oo ka qaybgalay shir siyaasadeed...

Muqdisho oo Lagu Qabtay Madasha Amniga Internetka

Muqdisho waxaa ka furmay Madasha 4-aad ee Amniga Internet-ka Soomaaliya, oo ay soo qabanqaabiyeen NCA iyo Jaamacadda Muqdisho,

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Qarax Ismiidaamin ah oo Caawa fiidkii hore ka dhacay Bartamaha Magaalada Garoowe ee Caasimadda Maamulka Puntland, kaasi oo jugtiista laga maqlay halkaas. Qaraxaas ayaa dad goobjoogayaal ah waxaa ay sheegeen in lagu weeraray gaari uu la socday Guddoomiyaha Gobolka Nugaal Cadisalaan Xasan Xeri iyo Taliyihii hore ee Ciidanka Booliska […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Qarax Ismiidaamin ah oo Caawa fiidkii hore ka dhacay Bartamaha Magaalada Garoowe ee Caasimadda Maamulka Puntland, kaasi oo jugtiista laga maqlay halkaas.

Qaraxaas ayaa dad goobjoogayaal ah waxaa ay sheegeen in lagu weeraray gaari uu la socday Guddoomiyaha Gobolka Nugaal Cadisalaan Xasan Xeri iyo Taliyihii hore ee Ciidanka Booliska Gobolka Nugaal.

- Advertisement -

Saraakiil ka tirsan laamaha amniga Maamulka Puntland oo la hadlay warbaahina ayaa u sheegay in qaraxaas uu dhaawac Culus kasoo gaaray Guddoomiyaha Gobolka Nugaal, isla markaana  haatan xaaladiisa Caafimaad lagu dabiibayo Isbitaal ku yaalla halkaas.

Sidoo kale waxaa isna dhaawac uu soo gaaray Taliyihii hore Booliska Nugaal Faarax Galan-gooli iyo dad shacab ah oo goobta ka Agdhawaa xiligii uu qaraxu dhacayay.

Ciidanka amniga Puntland ayaa xiray waddooyinka soo gala iyo kuwa kabaxa aaga uu qaraxu ka dhacay, iyagoo halkaas ka wada baaritaano la xiriira qaraxaas.

- Advertisement -

Ilaa iyo hada ma jirto cid sheegatay Mas’uuliyadaas Qaraxaas Khasaraha geystay ee Caawa ka dhacay Magaalada Garoowe ee Caasimadda maamuka Puntland, waxaana dadka deegaan ay yihiin kuwa hadal haaya qaraxa.

 

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts