HomeWararPuntland oo ka hadashay Qaraxii Caawa lagu dhaawacay Mas'uuliyiin

Puntland oo ka hadashay Qaraxii Caawa lagu dhaawacay Mas’uuliyiin

Date:

Related stories

Haweenka Suxufiyiinta Soomaaliya oo Weerarro Wajahaya

Suxufiyiin Soomaaliyeed oo Xarig iyo Jirdil Ka Cabanaya

SSUP oo Shir Siyaasadeed uga Qaybgalay Urdun

Xisbiga SSUP ee Soomaaliya oo ka qaybgalay shir siyaasadeed...

Muqdisho oo Lagu Qabtay Madasha Amniga Internetka

Muqdisho waxaa ka furmay Madasha 4-aad ee Amniga Internet-ka Soomaaliya, oo ay soo qabanqaabiyeen NCA iyo Jaamacadda Muqdisho,

Faah faahino dheeraad ah ayaa laga helayaa Qarax Ismiidaamin ah oo fiidkii hore ee Caawa ka dhacay Bartamaha Magaalada Garoowe ee Caasimadda Maamulka Puntland,  kaasi oo jugtiisa siweyn looga maqlay halkaas. Maamulka Puntland ayaa faah faahin ka bixiyay qaraxaas oo geystay Khasaaro dhaawacyo ah oo soo gaaray dad isugu jira Mas’uuliyiin iyo shacab ah. Wasiirka […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Faah faahino dheeraad ah ayaa laga helayaa Qarax Ismiidaamin ah oo fiidkii hore ee Caawa ka dhacay Bartamaha Magaalada Garoowe ee Caasimadda Maamulka Puntland,  kaasi oo jugtiisa siweyn looga maqlay halkaas.

Maamulka Puntland ayaa faah faahin ka bixiyay qaraxaas oo geystay Khasaaro dhaawacyo ah oo soo gaaray dad isugu jira Mas’uuliyiin iyo shacab ah.

- Advertisement -

Wasiirka Arrimaha gudaha Puntland Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad oo la hadlay warbaahinta ayaa waxaa uu u sheegay in qof isku ku soo xiray waxyaabaha qarxa uu Caawa isku qarxiyay Guddoomiyaha Gobolka Nugaal Cabdisalaan Xasan Xersi iyo Taliyihii hore ee Ciidanka Booliska Gobolkaas.

Sidoo kale waxaa uu sheegay Wasiir Maxamed Dhabancad in Guddoomiye Cabdisalaan iyo Taliyihii hore ee Booliska Nugaal Faarax Galan-gooli uu dhaawac soo gaaray, isla markaanka haatan xaaladooda Caafimaad lagu dabiibayo Isbitaalka weyn ee Garoowe.

Isaga oo sii hadlaayay Wasiirka Arrimaha gudaha Puntland ayaa waxaa uu tilmaamay in qaraxaas sidoo kale dhaawac uu kasoo gaaray dhowr qof oo shacab ah, kuwaasi oo goobta ka Agdhawaa xiligii uu qaraxu dhacaayay.

- Advertisement -

Ugu dambeyntii Wasiirka ayaa waxaa uu tilmaamay in Ciidanka amniga maamulka Puntland ay wadaan howlgal baaritaano ah, isla markaana weli aysan jirin cid loo soo qabtay qaraxaas dhacay.

Ilaa iyo hada ma jirto cid sheegatay Mas’uuliyadaas Qaraxaas Khasaraha geystay ee Caawa ka dhacay Magaalada Garoowe ee Caasimadda maamuka Puntland, iyadoona xusid mudan tahay in Puntland ay dagaal kula jirto Al-shabaab iyi Daacish.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts