HomeWararCiidamo ka tirsan Dowladda oo Goordhow weerar lagu qaaday

Ciidamo ka tirsan Dowladda oo Goordhow weerar lagu qaaday

Date:

Related stories

Midowga Afrika oo ku baaqay hal cod oo adduunka ah

Libreville, 20 May 2026 – Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika (AU),...

Somali Human Rights Body Secures UN Peacebuilding Support

The Chairperson of the Somali National Human Rights Commission,...

 Israa’iil oo soo dhaweysay safaaradda Somaliland ee Jerusalem

Tel Aviv, 20 May 2026 – Wasiirka Arrimaha Dibadda ee...

Maryan Qaasim oo UN kula wadaagtay xuquuqda aadanaha

Maryan Qaasim oo UN kula wadatay xuquuqda aadanaha Muqdisho, Arbaco,...

Xamsa oo soo dhaweeyay safiirka cusub ee Jabuuti

Xamsa oo soo dhaweeyay safiirka cusub ee Jabuuti Muqdisho, 20...

Wararka Idaacada Dalsan ee Magaalada Muqdisho ay ka heleyso deegaan ka tirsan Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa waxaa ay sheegayaan in Goordhow uu ka dhacay weerar lagu qaaday mootooyin ay saarnaayeen Ciidamo ka tirsan kuwa Milateriga dowladda Federaalka.

Rag hubeysan oo kamid ah Al-shabaab ayaa la sheegay in weerarkaas ay ku qaadeen Mootooyinka oo ahaa nooca laba lugaaleyda, waxaana Ciidanka uu weerarka ku qabsaday xili ay socdaal ku marayeen deegaanka lagu magacaabo Buulo-naagey.

Dad ku sugan Buulo-naagey ayaa soo sheegaya in mootooyinkaasi ay saarnaayeen ilaa 5 Askari oo ka tirsan Ciidanka dowladda, waxaana halkaas dagaal kooban uu ku dhexmaray Ciidanka iyo ragii weerarka soo qaaday.

Wararka ayaa intaas kusii daraya in dagaalka uu dhintay hal Askari oo kamid ah Ciidanka dowladda, waxaana halkaas laga soo qaaday Meydka Askariga, waxaana Ciidankii kale ay horey usii wateen socdaalkooda.

Al-shabaab ayaa inta badan weeraro kala duwan ku qaada gaadiidka noocaydiisa kala duwan oo ay la socdaan Ciidanka dowladda iyo kuwa Midowga Afrika ee AMISOM, waxaana weeraradaas qaarkood ka dhasha Khasaarooyin kala duwan.

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories