HomeWararXukun lagu riday Masuul ka tirsan Gobolka Banaadir oo loo heysto Al-shabaabnimo

Xukun lagu riday Masuul ka tirsan Gobolka Banaadir oo loo heysto Al-shabaabnimo

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Maxkamadda Ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa xukun ku ridday masuul ka tirsanaa maamulka Gobolka Banaadir kaas oo loo heystay Shabaabnimo. Ku Simihii Agaasimaha Shaqadda Gobalka Banaadir, Nuur Cali Axmad (Mahad Alle) ayeey Maxkamadda Ciidanku ku xukuntay Xabsi Ciidan oo 3 Sanno ah, kadib markii lagu helay inuu horay uga mid ahaan jiray Alshabaab, Islamarkaana […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Maxkamadda Ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa xukun ku ridday masuul ka tirsanaa maamulka Gobolka Banaadir kaas oo loo heystay Shabaabnimo.

Ku Simihii Agaasimaha Shaqadda Gobalka Banaadir, Nuur Cali Axmad (Mahad Alle) ayeey Maxkamadda Ciidanku ku xukuntay Xabsi Ciidan oo 3 Sanno ah, kadib markii lagu helay inuu horay uga mid ahaan jiray Alshabaab, Islamarkaana uusan soo marin Habka Is Diiwaan Galinta Dadka ka haray Fikirka Alshabaab.

- Advertisement -

Sidoo kale Waxay Maxkamaddu sii daysay C/laahi C/raxmaan Maxamed oo ay Walaalo ahaayeen Basiiro oo la aaminsan yahay inay ahayd qofkii isku miidaamisay Xarunta Gobalka Banaadir, iyadoona la amray in Hay’adaha Ammaanku ay isha ku hayaan Dhaqdhaaqa C/laahi.

Laamaha amniga ee dowladda Soomaaliya ayaa muddooyinkii dambe waxa ay baaritaano ku wadeen masuulkaan waxaana la sheegay in uusan soo marin habka ka bixitaanka Alshabaab ee looga haro fikirkooda.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho CumarMaxamuud Maxamed Finish ayaa  horay u sheegay in markii uu yimid xafiiska in hay’adaha amnigu ay xireen Agaasime ka tirsanaa gobolka Banaadir.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts