HomeWararAl-shabaab oo sheegtay inay dib ula wareegtay deegaanka Tooratooroow

Al-shabaab oo sheegtay inay dib ula wareegtay deegaanka Tooratooroow

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Wararka aan ka heleyno deegaanka Tooratooroow ee Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa waxaa ay sheegayaan in halkaas ay isaga baxeen Ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Danab, kadib markii shalay halkaas la wareegeen. Ciidamada Danab ayaa Al-shabaab kala wareegay gacanta ku heynta deegaanka Tooratooroow oo ay in muddo ah ay ku sugnaayeen, isla markaana ku […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Wararka aan ka heleyno deegaanka Tooratooroow ee Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa waxaa ay sheegayaan in halkaas ay isaga baxeen Ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Danab, kadib markii shalay halkaas la wareegeen.

Ciidamada Danab ayaa Al-shabaab kala wareegay gacanta ku heynta deegaanka Tooratooroow oo ay in muddo ah ay ku sugnaayeen, isla markaana ku lahaa Maxkamado waaweyn.

- Advertisement -

Ciidanka Danab ayaa Tooratooroow qabsaday iyada oo wax dagaal ah uusan ka dhicin, waxaana markii hore halkaas isaga baxay dagaalamayaashii Al-shabaab ee ku sugnaa, sidaasina ay Ciidanka dowladda ugu suura-gashay inay la wareegaan.

Sawrirro laga soo qaaday Ciidanka dowladda laguna faafiyay baraha Bulshada ayaa lagu arkayay iyaga oo ku sugnaa deegaanka, isla markaana shacab badan kula hadlayay halkaas.

War qoraal ah o lagu faafiyay baraha internet-ka Al-shabaa waxaa ay ku sheegeen in Ciidanka sida gaarka ah u tababaran ee Danab ay isaga baxeen deegaaanka Tooratooroow ee Gobolka Shabeellaha Hoose oo shalay ay la wareegeen.

- Advertisement -

Sidoo kale Warka Al-shabaab ayaa waxaa lagu sheegay in Ciidanka dowladda Federaalka ay dib ugu laabteen dhanka Garoonka Balidoogle oo markii horey ay kasoo ruuqaansadeen, isla markaana Al-shabaab ay dib u qabsadeen Tooratooroow.

Ilaa iyo hada ma jiro wax war ah oo kasoo baxay Saraakiisha Ciidanka dwladda Federaalka Soomaaliya oo ay uga hadlayaan wararka sheegaya in Ciidamada ay isaga baxeen deegaanka Tooratooroow ee Gobolka Shabeellaha Hoose, sidoo kalena ay la wareegeen dagaalamayaasha Al-shabaab.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts