HomeWararSawirro:-Marwada Koowaad ee dalka oo booqatay dhaawacyada Qaraxii Muqdisho

Sawirro:-Marwada Koowaad ee dalka oo booqatay dhaawacyada Qaraxii Muqdisho

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Marwada Koowaad ee dalka, Marwo Seynab Cabdi Macalin ayaa xalay booqatay qaar ka mid ah dhaawacyada ku waxyeeloobay Qaraxii ka dhacay Isgoyska Ex-Kaantarool Afgooye Magaalada Muqdisho. Marwo Seynab ayaa warbixin ku saabsan xaaladda caafimaad ee dhaawacyadan ka dhageysatay dhakhaatiirta iyo maamulka Cusbitalka Ordogaan, iyagoona faahfaahin ka siiyay hannaanka ay u maareeyeen dhaawacyadii halista ahaa ee […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Marwada Koowaad ee dalka, Marwo Seynab Cabdi Macalin ayaa xalay booqatay qaar ka mid ah dhaawacyada ku waxyeeloobay Qaraxii ka dhacay Isgoyska Ex-Kaantarool Afgooye Magaalada Muqdisho.

Marwo Seynab ayaa warbixin ku saabsan xaaladda caafimaad ee dhaawacyadan ka dhageysatay dhakhaatiirta iyo maamulka Cusbitalka Ordogaan, iyagoona faahfaahin ka siiyay hannaanka ay u maareeyeen dhaawacyadii halista ahaa ee loo qaaday dalka dibaddiisa.

- Advertisement -

Sidoo kale, Marwo Seynab Cabdi Macalin ayaa la kulantay qaar ka mid ah qoysaska iyo ehelada muwaadiniinta ku dhaawacmay qaraxii ka dhacay Isgoyska Ex-Kaantarool Afgooye , waxa ayna u sheegtay in shacabka Soomaaliyeed iyo dowladdooduba ay garab taagan yihiin.

Marwada Qaranka ayaa tacsi u dirtay ehelada muwaadiniintii ku shihiiday Qaraxii Ex-Kaantarool, waxa ayna ku baaqday in si mugleh loo garab istaago ubadka iyo qoysaska ay ka tageen oo ay u ahaayeen isha nololeed ee ay ku tiirsanaayeen.

Ugu dambeyn, Marwada koowaad ee dalka ayaa u mahadcelisay dowladaha aan walaalaha nahay ee gurmadka caafimaad ee degdega ah lasoo gaaray muwaadiniinteenna ku dhaawacmay, waxa ayna tilmaamtay in garab istaaggoodu aanu ka go’ayn xusuusta dadka Soomaaliyeed.

- Advertisement -

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts