HomeWararSoomaaliya iyo Sweden oo Muqdisho ku kala saxiixday heshiis Cusub

Soomaaliya iyo Sweden oo Muqdisho ku kala saxiixday heshiis Cusub

Date:

Related stories

JSP oo Cali Guudlaawe U Doortay Musharraxa Hirshabeelle

Cali Guudlaawe ayaa si rasmi ah loogu aqoonsaday musharraxa Xisbiga Caddaaladda iyo Wadajirka (JSP) ee doorashada madaxtinimada Hirshabeelle, kaddib go’aan ay xubnaha fulinta xisbiga ku gaareen Muqdisho.

Maaliyadda iyo Arrimaha Dibadda oo Ku Guuleystay Qiimeynta Waxqabadka

Wasaaradaha Maaliyadda iyo Arrimaha Dibadda oo kaalmaha ugu sarreeya ka galay qiimeynta waxqabadka Xukuumadda, laguna guddoonsiiyay abaalmarinno.

Ruushka oo Tareen Rakaab Ku Weeraray Xadka Poland

Boris Johnson oo cambaareeyay weerar drone oo Ruushka lagu eedeeyay inuu ku qaaday tareen rakaab oo ku dhow xadka Poland.

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga , Mudane Danjire Axmed Ciise Cawad, ayaa ku saxiixay Muqdisho xalay fiidkii oo Axad ahayd  heshiis is-afgarad Akadeemiyadda loo yaqaan Folke Bernadotte Academy (FBA) iyadoo ay goob-joog ka ahaayeen Safiirka Sweden ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Staffan Tillander, diblomaasiyiin Soomaali iyo Sweden. Agaasimaha guud ee FBA Mudane Sven-Eric Söder ayaa […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga , Mudane Danjire Axmed Ciise Cawad, ayaa ku saxiixay Muqdisho xalay fiidkii oo Axad ahayd  heshiis is-afgarad Akadeemiyadda loo yaqaan Folke Bernadotte Academy (FBA) iyadoo ay goob-joog ka ahaayeen Safiirka Sweden ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Staffan Tillander, diblomaasiyiin Soomaali iyo Sweden.

Agaasimaha guud ee FBA Mudane Sven-Eric Söder ayaa saxiixay heshiiska oo sare loogu qaadayo wax wadaag istiraatiijiyadeed dhinacyo badan leh oo u dhexeeya labada dal ee saaxiibada ah.

- Advertisement -

Wax wadaaggan ayaa waxa uu ka qeyb-qaadanayaa xoojinta iskaashiga dhinacyada kala duwan leh ee muhiimadda u leh labada dal, kaasi oo ka tarjumaya rabitaanka guud ee hore loogu dhaqaajinayo xiriirka laba-geesoodka oo lagu gaarsiinayo heerkiisii ugu sarreeyay.

Heshiiska waxa uu qeexayaa in Akadeemiyadda loo yaqaan Folke Bernadotte Academy (FBA) ay ku qabato dalka Soomaaliya tababarro iyo barnaamijyo cilmi-baaris , iyadoo ka wakiil ah Wasaaradda Arrimaha Dibadda Sweden, waxaana tababarada siyaasadeed, diblomaasiyadeed, nabad-dhisid iyo xalinta khilaafaatka loo qoon-deeyay in la siiyo kaadiriinta ka shaqaysa Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Soomaaliya iyo qaar ka mid ah hey’adaha kale ee dowladda.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts