HomeWararR/Wasaarihii hore ee Somalia oo ka hadlay fatahaada Wabiga talana u jeediyay...

R/Wasaarihii hore ee Somalia oo ka hadlay fatahaada Wabiga talana u jeediyay Madaxda Dowladda

Date:

Related stories

JSP oo Cali Guudlaawe U Doortay Musharraxa Hirshabeelle

Cali Guudlaawe ayaa si rasmi ah loogu aqoonsaday musharraxa Xisbiga Caddaaladda iyo Wadajirka (JSP) ee doorashada madaxtinimada Hirshabeelle, kaddib go’aan ay xubnaha fulinta xisbiga ku gaareen Muqdisho.

Maaliyadda iyo Arrimaha Dibadda oo Ku Guuleystay Qiimeynta Waxqabadka

Wasaaradaha Maaliyadda iyo Arrimaha Dibadda oo kaalmaha ugu sarreeya ka galay qiimeynta waxqabadka Xukuumadda, laguna guddoonsiiyay abaalmarinno.

Ruushka oo Tareen Rakaab Ku Weeraray Xadka Poland

Boris Johnson oo cambaareeyay weerar drone oo Ruushka lagu eedeeyay inuu ku qaaday tareen rakaab oo ku dhow xadka Poland.

Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake ayaa waxaa uu ka hadlay fatahaada Wabiga Shabeelle uu  ka sameeyay Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan. Cumar Cabdirashiid ayaa waxaa uu uu marka hore tacsi u diray dhammaan dadkii ku dhintay fatahaada Wabiga, isagoona Alle uga baryay inuu Janada ka waraabiyo, halka kuwii ku hanti […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake ayaa waxaa uu ka hadlay fatahaada Wabiga Shabeelle uu  ka sameeyay Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan.

Cumar Cabdirashiid ayaa waxaa uu uu marka hore tacsi u diray dhammaan dadkii ku dhintay fatahaada Wabiga, isagoona Alle uga baryay inuu Janada ka waraabiyo, halka kuwii ku hanti waayay Alle uu siiyo bedel Kheyr qaba.

- Advertisement -

Isaga oo la hadlay VOA ayaa waxaa uu sheegay Ra’iisul Wasaarihii hore in xiligii uu dalka ka ahaa Ra’iisul Wasaare ay dhacday fatahaad tan lamid ah, hayeeshee aysan lamid aheyn sida Maanta ay u dhacday fatahaadan oo saameynta badan ku yeelatay dadkii kunoolaa Baladweyne.

Sidoo kale Cumar Cabdirashiid ayaa Madaxda dowladda kula taliyay inay dalbadaan lacag Deyn ah, maadaama  dadka uu sameeyay fatahaada Wabiga aysan sugi Karin lacagta qaaraanka ah ee soo uruurinayaan dadka Soomaaliyeed iyo Madaxda dowladda.

Magaalada Baladweyne iyo duleedkeedka ayaa waxaa ku dhibaateysan boqolaal qoys oo uu saameeyay fatahadaa Wabiga Shabeelle, iyadoona deegaano badan oo ka tirsan Gobolada dalka uu ka socdo gumarka xoogan oo loo sameeynayo dadkaas.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts