HomeWararEritrea oo eedeyn kala dul-dhacday Sirdoonka Mareykanka & Afgambi fashilmay

Eritrea oo eedeyn kala dul-dhacday Sirdoonka Mareykanka & Afgambi fashilmay

Date:

Related stories

Afrika oo Wajahaysa Caqabad Cusub oo Amni

Maalgelinta nabad ilaalinta oo hoos u dhacaysa ayaa Afrika ku qasbaysa inay dib u qaabayso hawlgallada amniga.

Burcad-badeedda Soomaaliya oo Dib u Soo Laabatay: Khatar Cusub

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dib u soo laabatay, iyadoo khatar cusub ku ah maraakiibta gobolka.

Soomaaliya iyo Kenya oo Suuq Cusub Furaya

Soomaaliya iyo Kenya oo xoojinaya ganacsiga, maalgashiga iyo isku-xirka dhaqaale.

Dowladda Eritrea ayaa soo saartay warmurtiyeed aan horay looga baran iyada oo warmurtiyeedkeeda ku eedeysay iney laanta sirdoonka Mareykanka ee CIA ay Eritrea u maleegtay afgambi. Waxayna xukumadda Asmara warmurtiyeedkeeda carrabka ku dhufatay laanta sirdoonka Israa’iilna iney afgambigaasi la damacsanaa gacan ka geysatay. Dowladda Eritrea waxay sheegtay in afgambigi Militari lala damacsanaa sanadka marka uu […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Dowladda Eritrea ayaa soo saartay warmurtiyeed aan horay looga baran iyada oo warmurtiyeedkeeda ku eedeysay iney laanta sirdoonka Mareykanka ee CIA ay Eritrea u maleegtay afgambi. Waxayna xukumadda Asmara warmurtiyeedkeeda carrabka ku dhufatay laanta sirdoonka Israa’iilna iney afgambigaasi la damacsanaa gacan ka geysatay.

Dowladda Eritrea waxay sheegtay in afgambigi Militari lala damacsanaa sanadka marka uu ahaa 2011-ka, balse hadda ay heleen macluumaad dhammeystiran oo afgambiga la damacsanaa muujinaya.

- Advertisement -

Afgambigi la damacsanana waxaa qayb ka ahaa ayey tiri xukumadda Asmara in kacdoonna shacab gudaha Eritrea laga abaabulo si awoodda dowladda loo wiiqo.

Warmurtiyeedka ka soo baxay xukumadda Asmara oo ku qornaa afka Tigreega waxaa si toos ah looga magac dhabay shaqsiyaadka iyo laamaha afgambiga loo maleegayey ka qayb qaatay ee ay sheegtay iney ku kulmeen magaalada Nairobi.

Hay’adda qaramada midoobay u qaabilsan arrimaha qoxootiga ee UNHCR waxay CIA ku amartay inuu gacan ka geysto sidi ay shacabka Eritrea uga qixi lahaayeen dalkooda waa sida warmurtiyeedka Xukumadda Asmara lagu sheegaye.

- Advertisement -

“Kooxaha afgambiga maleegayeyna” kooxda qaranka kubadda cagta Eritrea iney dalkooda ka baxsadaan oo ay waddamo kale magangalyo weydiistaan ayey ku dhiirragelinayeen ayaa lagu yiri warmurtiyeedka.

Waxaana taa tusaale ugu filan kooxda kubadda cagta Eritrea oo Nairobi ciyaar kaga qayb galayey ee diiday iney dalkooda dib ugu noqdaan.

Dhawaanna waxaa dalka Uganda iska dhiibay afar ciyaartooy oo Eritrea u dhashay oo noolal dhuumaaleysi ah oo cabsi badan ku jooga dalka Uganda ayey Asmara ku sheegtay warmurtiyeedkeeda.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories

No posts to display