HomeWararSawirro:- Kulankii golaha Wasiirada Jubbaland oo looga hadlay la dagaalanka Alshabaab iyo...

Sawirro:- Kulankii golaha Wasiirada Jubbaland oo looga hadlay la dagaalanka Alshabaab iyo arrimo kale

Date:

Related stories

Soomaaliya iyo Kenya oo Suuq Cusub Furaya

Soomaaliya iyo Kenya oo xoojinaya ganacsiga, maalgashiga iyo isku-xirka dhaqaale.

Daniel iyo Labada Hooyo: Xaqiiqada Sheekada

Daniel iyo labada hooyo: maxaa run ah, maxaase aan la xaqiijin?

Xasan Sheekh oo Belgrade Fariin Adag Ka Jeediyay

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Belgrade uga qaybgalaya shir lagu xusayo 65-guuradii Dhaqdhaqaaqa Dalalka Aan Isbahaysiga Ahayn,

Koonfur Galbeed Oo Ansixisay Dib-u-eegista Miisaaniyadda 2026

Golaha Wakiillada Koonfur Galbeed ayaa ansixiyey dib-u-eegista miisaaniyadda 2026, kadib dood iyo falanqeyn dheer oo ku saabsan dakhliga, deeqaha iyo kharashaadka dowladda.

Maxay McDonald’s Iyo KFC Uga Cabsadeen Soomaaliya?

Inkasta oo Muqdisho ay ku badan yihiin burgerro, shawarma iyo digaag la shiilay, shirkadaha waaweyn sida McDonald’s, KFC iyo Starbucks weli si rasmi ah ugama howlgalaan Soomaaliya.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta oo khamiis ah shir gudoomiyay kulanka golaha Xukuumada waxaana ugu horayn lagaga hadlay xaalada amaanka deegaanada Jubbaland iyadoo golahu uu amaanay dadaalka Hay’adaha amaanka waxaa kale oo golahu uu ka hadlay sidii loo dardar galin lahaa howlgalada ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab. Waxaa golahu uu ka […]

- Advertisement -

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta oo khamiis ah shir gudoomiyay kulanka golaha Xukuumada waxaana ugu horayn lagaga hadlay xaalada amaanka deegaanada Jubbaland iyadoo golahu uu amaanay dadaalka Hay’adaha amaanka waxaa kale oo golahu uu ka hadlay sidii loo dardar galin lahaa howlgalada ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab.

Waxaa golahu uu ka dooday dardar galinta adeegyada garsoorka iyadoo Wasaarada Cadaalada iyo garsoorka ay ka warbixisay hanaanka dib u dhiska Xabsiyada Jubbaland gaar ahaan Xabsiga dhexe ee Magaalada Kismaayo oo dhismahiisu uu dhawaan bilaabanayo isla markana lacagtii ku bixi lahayd la diyaariyay.

- Advertisement -

Waxaa kale oo Wasaaradu ay sheegtay in Waxbarasho dibada ah dhawaan loo dirayo 12 Arday oo soo baranaysa sharciga iyo arimaha garsoorka iyadoo kuwo Waxbarashada soo dhamaystayna ay dib ugu soo noqonayaan Jubbaland dhawaan.

Wasaarada Xanaanada xoolaha ayaa laga dhagaystay Warbixin ku saabsan hanaanka talaalka xoolaha nool oo maraysa meel wanaagsan isla markana hada uu socdo talaalka in ka badan Sideed Milyan oo xoolo nool ah kuwaas oo laga hirgalinayo dhamaan deegaanada Jubbaland.

Golaha Wasiiradu waxaa kale oo ay ka doodeen hanaanka biyo galinta Magaalada Kismaayo iyo gaadhsiinta biyaha nadiifta ah deegaano kale oo katirsan Jubbaland waxaana howsha biyo galinta Magaalada Kismaayo ay marayso gaba gabo.

- Advertisement -

Golaha Xukuumada Jubbaland waxaa ay sidoo kale kulankooda maanta kaga hadleen tayada shidaalka laga isticmaalo deegaanada Jubbaland iyadoo marar qaar ay sababto in ay xumaadan gawaarida cilado ka jira tayada shidaalka darteed Xukuumadu waxaa ay soo jeedisay in aad loo hubiyo tayada shidaalka ay soo iibsanayaan dadka ree Jubbaland.

Adeegyada korantada ayaa sidoo kale golahu uu ka dooday saamaynta ka dhasha qalabka ay shirkadaha korantada isticmaalan oo khatar ku ah bad qabka Bulshada waxaana golahu uu isku raacay in tayada agabka ay shirkadahu isticmaalan ay noqdaan kuwo la hubiyay oo wixii dhibaato ah oo kasoo gaadha dadka shacabka ah ay qaadayaan shirkadaha korantada.

 

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories