HomeWararSawirro:-Madaxweyne Saciid Deni oo furay Shirka Maalgashiga Puntland

Sawirro:-Madaxweyne Saciid Deni oo furay Shirka Maalgashiga Puntland

Date:

Related stories

Haweenka Suxufiyiinta Soomaaliya oo Weerarro Wajahaya

Suxufiyiin Soomaaliyeed oo Xarig iyo Jirdil Ka Cabanaya

SSUP oo Shir Siyaasadeed uga Qaybgalay Urdun

Xisbiga SSUP ee Soomaaliya oo ka qaybgalay shir siyaasadeed...

Muqdisho oo Lagu Qabtay Madasha Amniga Internetka

Muqdisho waxaa ka furmay Madasha 4-aad ee Amniga Internet-ka Soomaaliya, oo ay soo qabanqaabiyeen NCA iyo Jaamacadda Muqdisho,

Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa si rasmi ah u furay shirka maalgashiga Puntland, waxa uu Madaxweynuhu ka jeediyey khudbad aad u muhiim ah oo si dhaba u taabanaysa arrimaha Maalgashada ee Puntland. Shirka Maalgashiga Puntland ayaa ka furmay Caasimadda Puntland ee Garoowe, waxaa ka qayb-gelaya Maalgashadayaal Caalami ah, Ganacsato Soomaaliyeed, siyaasiyiin, Hay’addo caalami […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa si rasmi ah u furay shirka maalgashiga Puntland, waxa uu Madaxweynuhu ka jeediyey khudbad aad u muhiim ah oo si dhaba u taabanaysa arrimaha Maalgashada ee Puntland.

Shirka Maalgashiga Puntland ayaa ka furmay Caasimadda Puntland ee Garoowe, waxaa ka qayb-gelaya Maalgashadayaal Caalami ah, Ganacsato Soomaaliyeed, siyaasiyiin, Hay’addo caalami ah iyo masuuliyiin kale.

- Advertisement -

Sidoo kale Shirka ayaa waxaa uu socon doonaa Muddo saddex maalmood ah,isla markaana waxaa Khudbado ka jeedyay Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni iyo Madaxweyne ku-xigeenka maamulkasas Axmed Cilmi Cismaan Karaash.

“Waxaan aad ugu faraxsanahay in shirkani maanta qabsoomo, dadkii lagu casuumey intoodii badnayd inay soo aqbalaan oo kasoo qayb-galaan waa calaamad dhiirigelin anaga noo ah in hadafyadii ugu waaweynaa ee aan ka lahayn shirkan intiisii badnayd ay qabsoontay”

Dadka reer Puntland waa dad caan ku ah nabad jacaylka iyo xasiloonida, saldhigga noloshooduna uu yahay ganacsiga iyo ka shaqaynta horumarinta nolosha, xirfaddii yarayd ee ahayd bucshirada waxay gaysiisay horaantii qarnigii 19-aad markay ku filnaan weydey degaanadooda inay u baqoolaan degaano kale oo ka baxsan Puntland haddaa tariikhda dib u raacdaan degaanada Soomaaliyeed oo dhan, waxaad ku arkaysaan dukaanadii iyo ganacsiyadii ugu horaysey waxaa lahaa dad reer Puntland ah iyo dad carab ah oo weliba Yamaniyiin u badan, waxay u talaabeen Africa Kenya, Tanzania, Uganda, Zambia, iyo South Africa dadka inta badan hormuudka u ahaa ganacsiga waxay u badnaayeen dad reer Puntland ah, Waxaan aad u arkay wadamada khaliijka Imaaraadka iyo Sucuudiga waxaa ka furtay ganacsato reer Puntland ah”. Ayuu yiri Madaxweynaha Puntland.

- Advertisement -

Ugu dambayn, Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullahai Deni ayaa si rasmi ah u furay shirka maalgashiga Puntland oo muhiimad gaara siinaya, taageerayana ka faa’iidaysiga khayraadka dihin ee Puntland ceegaaga, gaar ahaan maalgelinta fursadaha jira, waxaana uu Madaxweynuhu u mahadnaqay dhammaan shacabka reer Puntland oo taageeray qabsoomidda shirkan, kaas oo socondoona sadex maalmood oo maanta ku jirto 15-17, Sep, 2019.

 

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts