HomeWararSawirro:-RW ku-xigeenka oo daah-furay Tubta Qaran ee Caafimaadka Dalka

Sawirro:-RW ku-xigeenka oo daah-furay Tubta Qaran ee Caafimaadka Dalka

Date:

Related stories

Xuutiyiinta oo jebisay xabbad joojin 4 sano ah kadib weerarkii Abha

Xuutiyiinta oo weerartay Garoonka Caalamiga ah ee Abha, iyagoo jebiyay xabbad-joojin 4 sano ah. Xiisadda u dhaxaysa Sacuudiga iyo Xuutiyiinta ayaa sii kordheysa kaddib weerarkii Sanaa.

Soomaaliya oo ECOSOC ku soo bandhigtay horumarkeeda

Wasiirka Qorsheynta Maxamuud Beenebeene oo ECOSOC ku soo bandhigay guulaha Soomaaliya, isagoo xusay NTP 2025–2029 iyo horumarka laga gaaray dimuqraadiyadda, dhaqaalaha iyo dowlad-dhiska.

Blanche oo jidka ugu jira Sanduuqa $1.8 bilyan oo la tirtiray

Todd Blanche oo la filayo inuu si fudud u xaqiijisto hay'adaha sare ee Maraykanka inkastoo uu wehliyo culeysyo kala duwan, iyadoo ay jirto su'aal ku saabsan madax-banaanida Wasaaradda Caddaaladda.

Over 40 Al-Shabaab Fighters Killed in Goobo, Hiiraan

The Somali National Armed Forces, supported by international partners, killed more than 40 Al-Shabaab militants and wounded 12 others during a coordinated airstrike in the village of Goobo, Hiiraan region, late Monday night.

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa maanta si rasmi ah u daah-furay Tubta Qaran ee gaarsiinta caafimaad dhameystiran,kaas oo mawaadin kasta oo Soomaaliyeed u ogolaanaya in uu helo daryeel caafimaad oo heer caalami ah. Wasiirka Wasaaradda caafimaadka iyo daryeelka bulshada DFS, Fowsiya Abiikar Nuur, oo wasaaraddeedu ay diyaarsay Tubta […]

- Advertisement -

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa maanta si rasmi ah u daah-furay Tubta Qaran ee gaarsiinta caafimaad dhameystiran,kaas oo mawaadin kasta oo Soomaaliyeed u ogolaanaya in uu helo daryeel caafimaad oo heer caalami ah.

Wasiirka Wasaaradda caafimaadka iyo daryeelka bulshada DFS, Fowsiya Abiikar Nuur, oo wasaaraddeedu ay diyaarsay Tubta qaran ee xaqiijinta caafimaadka loo dhanyahay, ayaa sheegtay in Qorshaha tubta uu yahay in mawaadin kasta oo Soomaaliyeed uu helo adeeg caafimaad oo tayeysan oo culeys dhaqaale aan bulshada ku keeneyn.

- Advertisement -

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka ayaa guul ku tilmaamay in maanta la daah-furay tub adeeg caafimaad oo caalami ah oo gaar u ah Soomaaliya, ka tarjumeysa duruufaheeda, lana jaan-qaadeysa duruufaha caalamiga ah ee jira, waxa uuna codsaday in dhamaam si wadajir ah looga shaqeeyo ka faa’iideysiga tubta caafimaadka dalka.

Munaasabadda daah-furka tubta qaran ee caafimaadka, waxaa goob joog ka ahaa wasiiro, xildhibaanno, safiirrada Turkiga iyo Talyaaniga iyo safiir ku-xigeenka Qatar ee saldhiggoodu yahay Muqdisho iyo mas’uuliyiin ka socota WHO, UNFPA, iyo UNICEF.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories