HomeWararGuddiga KMG ah ee diyaarinta sharciga doorashooyinka oo lagu eedeeyay in ay...

Guddiga KMG ah ee diyaarinta sharciga doorashooyinka oo lagu eedeeyay in ay muddo kordhin u raadinayaan Baarlamaanka iyo Madaxweynaha

Date:

Related stories

Fire Guts Shops at Mogadishu’s Bakara Market

A major fire tore through Mogadishu's Bakara Market on...

Maxkamad Mumbai oo 44 Soomaali ku xukuntay xabsi daa’in

Maxkamad gaar ah oo ku taal Mumbai ayaa 44 muwaadin Soomaali ah ku xukuntay xabsi daa'in kadib markii ay qireen dembiyada burcad-badeednimo. Ciidanka Badda Hindiya ayaa lagu ammaanay geesinimadooda.

Aabbe oo si kulul uga falceliyay wiilkiisa oo sigaar TikTok Live ku dhaxcabaya

Aabbe Mexico ah ayaa si kulul uga falceliyay wiilkiisa 13 jirka ah markii uu ku arkay isagoo sigaar cabaya TikTok Live. Muuqaalka ayaa dhaliyay dood ku saabsan doorka waalidiinta iyo baraha bulshada.

One Dead as Puntland Security Forces Clash in Bosaso

At least one Puntland Security Force soldier was killed...

Haweeney Ruush ah oo cabasho muusig uga aargoosatay deriskeeda AK-47

Haweeney Ruush ah ayaa cabasho muusig uga jawaabtay deriskeeda iyadoo AK-47 ku ridday gurigeeda. Muuqaalka ayaa si weyn loogu baahiyay baraha bulshada, isagoo dhaliyay falcelinno kala duwan.

Xildhibaan Mohammed Hassan Idris oo ka mid ah xildhibvanada golaha shacabka ee Somalia ayaa bartiisa Bacebook waxa uu ku qoray maqaal dheer oo uu uga hadlay shaqada guddiga KMG ah ee diyaarinta sharciga doorashooyinka kana tirsan golaha shacabka. Waxa uu sheegay xildhibaan Maxamed Xasan Idiris in guddigaan diyaarinta sharciga doorashooyinka uu wado sida uu tilmaamay  […]

- Advertisement -

Xildhibaan Mohammed Hassan Idris oo ka mid ah xildhibvanada golaha shacabka ee Somalia ayaa bartiisa Bacebook waxa uu ku qoray maqaal dheer oo uu uga hadlay shaqada guddiga KMG ah ee diyaarinta sharciga doorashooyinka kana tirsan golaha shacabka.

Waxa uu sheegay xildhibaan Maxamed Xasan Idiris in guddigaan diyaarinta sharciga doorashooyinka uu wado sida uu tilmaamay  soo jeedin ah in muddo kordhin loo sameeyo golaha baarlamaanka iyo madaxweynaha 2-ilaa 3-sano.

- Advertisement -

Dhinaca kalana waxa uu sheegay in aysan jirin xili dalku uu ka mudnaa in muddada loo kordhiyo waqtigii uu madaxweynaha ka ahaa Sheikh Shariif Sheikh Axmed oo dagaalo ay ka socdeen degmooyin ka tirsan gobolka Banaadir xiligaas oo dalku kala guur ku jiray dowlad fedraal ahna loo diyaarinayay.

“Sababa kaloo maangal ah intaas ka wayn oo aan hada ku sababeysan karno inaan xilkororsano Aniga iyo dad badan oo Soomaaliyeedba nooma muuqan karto ayuu hadalkiisa ku yiri xildhibaan Maxamed Xasan Idiris.

Ugu dambeyn waxa uu talo u soo jeediyay guddiga waxaana uu yiri ”Inkastoo Gudigaan Keliya shaqadiisu tahay ineey Golaha Shacabka horkeenaan Wax laga doodi karo oo macquul ah hadana waxaan kula talinaayaa inaaney kula soo dhiiran ineey Golaha Shacabka iyo Umadda Soomaaliyeedba la soo hor istaagaan xil ku darsasho/kororsi si dalka rajadiisa dib u heshiisiineed iyo isku keenidiisaba u suura gasho, hadii kale waxeey Gudigan baal Mugdi gali doodaan taariikhda dalka , ayadoona suura galidoonin riyo maalmeedkaas Villa Somalia ay iskaga riyootey!.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories