HomeWararSawirro:-R/Wasaare Kheyre oo dhagax dhigay Mashaariic laga fulinayo Xudur

Sawirro:-R/Wasaare Kheyre oo dhagax dhigay Mashaariic laga fulinayo Xudur

Date:

Related stories

Somalia scrambles for new military allies as AU troops face exit

Somalia's federal government is pressing regional troop-contributing countries to...

Cabinet reshuffles senior diplomats, appoints new trade chief

Somalia's Council of Ministers, chaired by the federal government,...

‘We lost it ourselves’: Abiy admits internal flaws cost Ethiopia Red Sea

Prime Minister Abiy Ahmed has renewed his government’s argument...

Maersk announces new Turkey-Somalia container surcharge

Maersk, one of the world's largest container shipping companies,...

Somalia, China sign duty-free fishery trade deal

Somalia has secured duty-free access for its fishery products...

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre iyo Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Somaliya Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen ayaa Maanta si wadajir ah u dhagax dhigay Mashaariic kala gedisan oo laga fulinayo Degmada Xudur ee Xarunta Gobolka Bakool. Ispitaalkii Hore Degmada Xudur oo ka muuqday Burbur bahsan ayaa Madaxda ay Dhagax dhigeen waxaana […]

- Advertisement -

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre iyo Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Somaliya Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen ayaa Maanta si wadajir ah u dhagax dhigay Mashaariic kala gedisan oo laga fulinayo Degmada Xudur ee Xarunta Gobolka Bakool.

Ispitaalkii Hore Degmada Xudur oo ka muuqday Burbur bahsan ayaa Madaxda ay Dhagax dhigeen waxaana la doonaya in aida ugu dhow loo dhiso si Bulshada Reer Xudur ay u heelaan Adeeg dhamaystiran oo dhanka Cafimaadka ah.

- Advertisement -

Sido kale Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre iyo Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa Dhagax dhigay dhismo Cusub oo loo dhisayo Gobolka Bakool Kaasi oona Iska kaashanaya Dhismihiisa DFS iyo Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed.

Madaxda oo ku guda Jira fulinta Mashaariicda ayaa Xariga ka jaray wado lagu Taagay Nalalka Cadceeda ku shaqeeya ee loo yaqaana Solarka Kaasi oo Fulintiisa iska Kaashaday JPLG iyo Wasaarada Maaliyada KGS.

Sido kale Madaxda oo ku guda jira Shaqo maalmeedka ay ujoogan Degmada Xudur ayaa Kormeeray Ceelalka Biyaha ku yaala Duleedka Degmada Xudur Halkaasi oo ay ugu kuura galayeen Sidii ay usoo indho indheyn lahayeen Xoolaha halkaasi loo keena waraabka.

- Advertisement -

Mashaariic fulin iyo kormeer ka Dib Madaxda ayaa Si wadajir ah Garoonka Kubada Cagta Dr Waaberi ugula kulmay ku Dhowaad 800 boqol oo Askari kuwaasi oo lagala hadlayey Sidii ay ugu Diyaar garoowi lahayeen Xureynta Degmooyinka Rabdhuure iyo Tiyeeglow

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa Ciidanka ubalan Qaaday inay Heli Doonan Mushaaraadkooda iyo Aqabkooda Dhamaystiran Waxaana uu kula Dardarmay inay ku Dadaalan sidii Al-shabaab uga saari lahaayeen Guud ahaan Gobolka ee Go’doonsan ee Bakool.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories