HomeWararMadaxweynaha Puntland oo dib ugu laabtay Garoowe,kadib safarkii dalka dibaddiisa

Madaxweynaha Puntland oo dib ugu laabtay Garoowe,kadib safarkii dalka dibaddiisa

Date:

Related stories

Saynisyahano Japan ah oo lo’ ku rinjiyeeyay si looga hortago duqsi

Saynisyahano Japan ah ayaa lo’ ku rinjiyeeyay xariijimo madow iyo caddaan ah oo u eg zebra, iyadoo tijaabadu muujisay in duqsigii ku degi jiray lo’da uu hoos u dhacay qiyaastii 50%. Tags:

Nin Kenya ah oo 26 dacwadood ku guulaystay isagoon shati qabin

Brian Mwenda Njagi ayaa Kenya caan ka noqday kadib markii lagu eedeeyay inuu qareen iska dhigay, haddana uu ku guulaystay 26 dacwadood oo isku xiga.

Madaxweyne Xasan oo Galinsoor ugu baaqay nabadda iyo xasiloonida

Madaxweyne Xasan iyo Madaxweynaha Galmudug oo Galinsoor ku soo dhoweeyay shacabka – ma xoojin doontaa xiriirka federaalka iyo maamulka?

Baydhabo: Ciidamada Dowladda Iyo Kuwa Laftagareen Oo Isku Dhacay

Baydhabo ayaa saaka laga maqlay rasaas xooggan, kaddib markii ciidamo kala taageersan dhinacyada siyaasadda ay magaalada ku dhex dagaallameen, iyadoo xaaladda amni ay weli kacsan tahay.

Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni iyo wafdi ballaaran oo uu hogaaminayo oo labo todobaad safar ugu maqnaa dalka dibaddiisa, gaar ahaan wadamada Itoobiya iyo Imaaraadka ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay. Madaxweynaha waxaa soo dhoweeyey, Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad ee Baarlamaanka, Ahna Ku-simaha Guddoomiyaha Baarlamaanka Mudane […]

- Advertisement -

Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni iyo wafdi ballaaran oo uu hogaaminayo oo labo todobaad safar ugu maqnaa dalka dibaddiisa, gaar ahaan wadamada Itoobiya iyo Imaaraadka ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay.

Madaxweynaha waxaa soo dhoweeyey, Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad ee Baarlamaanka, Ahna Ku-simaha Guddoomiyaha Baarlamaanka Mudane Abuukaate Cabdcasiis Cabdullaahi Cismaan,Wasiiro iyo Xildhibaano ka tirsan Puntland.

- Advertisement -

Af-hayeenka Madaxtooyada Puntland Mudane Jaamac Dabaraani oo ka warbixiyey safarka Madaxweynaha ayaa sheegay in Madaxweynaha iyo wafdiga la socday ay maalmihii u dambeeyay safar ku joogeen wadamada Itoobiya iyo Imaaraadka, isla markaana ay booqashadu ugu soo dhammaatay guul.

Soo laabashada Madaxweynuhu waxay kusoo aaday iyadoo Puntland isu diyaarisay Shirka Maalgashiga Puntland oo loo muddeeyay (15-17) September 2019, Shirkan oo uu hore ugu dhawaaqay Madaxweyne Deni ayaa ah mid indhaha aduunka kusoo jeedinaya Puntland, waxaa ka qeybgeli doona Shirkado iyo Madax isaga imanaysa wadamo kala duwan, iyadoo ujeedku uu yahay in lasoo bandhigo fursadaha maalgashi ee ka jira Puntland, taasi oo qeyb ka aheyd ballanqaadyadii uu hore u sameeyay Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories