HomeWararSawirro:-Qabanqaabada soo dhaweynta RW Kheyre oo ka socota Degmada Xudur

Sawirro:-Qabanqaabada soo dhaweynta RW Kheyre oo ka socota Degmada Xudur

Date:

Related stories

Kenya disrupts Al-Shabaab attack plan, kills 11

Kenyan security forces killed at least 11 suspected Al-Shabaab...

President Mohamud off to Doha for Emir’s funeral

Somali President Hassan Sheikh Mohamud is heading to Qatar...

Iskaashi xooggan oo muhiim u ah xasilinta Soomaaliya

Safiirka Ingiriiska Charles King oo ka hadlay Aqoon-is-weydaarsiga 3S, isagoo sheegay in iskaashiga adag iyo hoggaaminta maxalliga ah ay muhiim u yihiin horumarka iyo xasilinta Soomaaliya.

Trump oo ku hanjabay inuu Iran “bur-buriyo” haddii la dilo

Trump oo ku hanjabay inuu Iran "bur-buriyo" haddii ay isku daydo dilkiisa, isagoo sheegay in 1,000 oo gantaal diyaar u yihiin. Xiisadda u dhexeysa Washington iyo Tehran ayaa sii kordheysa.

Markii lacagta caddaanka ah ay fashilantay, isku-xirka ayaa noqday lacag

Sida lacagta mobilada ah ay uga caawisay Soomaaliya inay...

Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane, Xasan Cali Kheyre  oo ku sugan Magaalada Baydhabo ee Caasimadda KMG u ah maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa Maanta lagu wadaa gaaro degmada Xudur ee Gobolka Bakool. Socdaalka uu Ra’iisul Wasaare Kheyre ku tegayo Degmada Xudur ayaa waxaa ku wehlinaya Madaxweynaha dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen […]

- Advertisement -

Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane, Xasan Cali Kheyre  oo ku sugan Magaalada Baydhabo ee Caasimadda KMG u ah maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa Maanta lagu wadaa gaaro degmada Xudur ee Gobolka Bakool.

Socdaalka uu Ra’iisul Wasaare Kheyre ku tegayo Degmada Xudur ayaa waxaa ku wehlinaya Madaxweynaha dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen iyo xubno ka tirsan Golaha Wasiirada Xukuumadda Federaalka iyo Mas’uuliyiin kale.

- Advertisement -

Qabanqaabada soo dhaweynta Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya ayaa haatan ka socota Degmada Degmada Xudur,waxaana bartamaha Magaalada lagu arkayaa,boqolaal dadweyne oo isu diyaarinaya soo dhaweynta Xasan Cal Kheyre.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa markii uu tago Xudur waxaa uu halkaasi ka dhagax-dhigi doonaa  mashaariicyo hormarineed,isaga oo sidoo kale booqan doona Xerooyinka Ciidamada Dowladda & kuwa Kooonfur Galbeed.

Ammaanka guud ee Degmada Xudur ee Gobolka Bakool ayaa Maanta siweyn loo adkeeyay,waxaana Wadooyinka ku yaalla halkaas lagu arkayaa Ciidamo ka tirsan dowladda iyo kuwa Koonfur Galbeed oo howlgal baaritaano ah ka wada,isla markaana xiray qaar kamid ah Wadooyinka muhiim ah.

- Advertisement -

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories