HomeWararSawirro:-Guddiga Madaxa Banaan ee Doorashooyinka oo la kulmay Hay’addo Caalami ah

Sawirro:-Guddiga Madaxa Banaan ee Doorashooyinka oo la kulmay Hay’addo Caalami ah

Date:

Related stories

Journalists union raps Puntland authorities over arrest of reporter

The National Union of Somali Journalists (NUSOJ) has mounted...

Madaxweyne Xasan oo tababar u soo xiray saraakiil

Madaxweyne Xasan Sheekh oo tababar u soo xiray saraakiil ka qalin jebiyay Dugsiga TURKSOM, isagoo ku bogaadiyay dadaalkooda iyo adkaysigooda.

Dowladda iyo Mucaaradka oo isku afgartay wadahadal

Dowladda Soomaaliya iyo mucaaradka ayaa isku raacay in la sii wado wadahallada ku saabsan hannaanka doorashooyinka, iyadoo la hiigsanayo in shacabku si toos ah uga qayb qaataan doorashooyinka.

Wasiir Soomaali oo kulan la yeeshay Bangiga Adduunka

Wasiirka Isgaarsiinta Maxamed Soomaali oo Geneva kulan la yeeshay Bangiga Adduunka, isagoo ka hadlay Qorshaha Qaran ee DPI iyo iskaashiga caalamiga ah.

Wasiir Soomaali oo Geneva ku soo bandhigay horumarka dijitaalka Soomaaliya

WSIS+20 oo ka dhacaya Geneva ma Soomaaliya ay ka mid tahay dalalka hormoodka ah?

Guddiga Madaxa bannaan ee Doorashooyinka Qaranka ayaa Xarunta Qaramada Midoobay ee Magaalada Muqdisho kulan ku yeeshay Hay’addo Caalami ah oo taageera doorashooyinka Soomaaliya. Kulankan oo ahaa mid xog is dhaafsi ah ayaa intuu socday waxaa heerka diyaar garowga ee Arrimaha Doorashooyinka ka war bixisay Guddoomiye Xaliimo Ismaaciil Ibraahim (Xaliimo Yarey). Guddoomiye Xaliimo Yarey ayaa si […]

- Advertisement -

Guddiga Madaxa bannaan ee Doorashooyinka Qaranka ayaa Xarunta Qaramada Midoobay ee Magaalada Muqdisho kulan ku yeeshay Hay’addo Caalami ah oo taageera doorashooyinka Soomaaliya.

Kulankan oo ahaa mid xog is dhaafsi ah ayaa intuu socday waxaa heerka diyaar garowga ee Arrimaha Doorashooyinka ka war bixisay Guddoomiye Xaliimo Ismaaciil Ibraahim (Xaliimo Yarey).

- Advertisement -

Guddoomiye Xaliimo Yarey ayaa si qota dheer ka qeyb galayaasha kulanka ugu faah-faahisay halka ay Guddiga wax u marayaan, hawlaha muhiimka ah ee qabsoomay, kuwa gaabiska ku jira iyo kuwa hakadka ku jira intaba.

Sidoo kale Guddoomiayaha ayaa shirka ka sheegtay in culeysya dhaqaale iyo kuwo farsamo ay gaabiska iyo hakadka hawlaha qaar ay sabab u yihiin.

Dhankooda hay’adahan caalamiga ee daneeya doorashooyinka Soomaaliya ee shirka joogay ayaa muujiyay sida ay ula dhacsanyihiin wax qabadka Guddiga iyada oo ay ku hor gudbanyihiin caqabo siyaasadeed, kuwa dhaqaale iyo kuwa farsamo.

- Advertisement -

Ugu danbeyntii hay’aduhu waxay ballan qaadeen in ay Guddiga ka taageeri doonaan sidii waddanka ay uga hirgeli lahaayeen doorasho qof iyo cod ah markii ugu horreysay muddo 50 sano ah.

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories