HomeWararMuran ka taagan xil wareejinta Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Hiiraan

Muran ka taagan xil wareejinta Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Hiiraan

Date:

Related stories

Macallin Texas ah oo ooyay ka dib markii ardayda sare ay wax qori wayeen

Macallin ka tirsan dugsi sare oo Texas ah ayaa ilmeynaya kadib markii uu ka hadlay arday 17 iyo 18 jir ah oo weli la tacaalaya xirfadaha aasaasiga ah ee akhriska iyo qorista.

Saynisyahano Japan ah oo lo’ ku rinjiyeeyay si looga hortago duqsi

Saynisyahano Japan ah ayaa lo’ ku rinjiyeeyay xariijimo madow iyo caddaan ah oo u eg zebra, iyadoo tijaabadu muujisay in duqsigii ku degi jiray lo’da uu hoos u dhacay qiyaastii 50%. Tags:

Nin Kenya ah oo 26 dacwadood ku guulaystay isagoon shati qabin

Brian Mwenda Njagi ayaa Kenya caan ka noqday kadib markii lagu eedeeyay inuu qareen iska dhigay, haddana uu ku guulaystay 26 dacwadood oo isku xiga.

Madaxweyne Xasan oo Galinsoor ugu baaqay nabadda iyo xasiloonida

Madaxweyne Xasan iyo Madaxweynaha Galmudug oo Galinsoor ku soo dhoweeyay shacabka – ma xoojin doontaa xiriirka federaalka iyo maamulka?

Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa waxaa saacadihii la soo dhaafay ka socday kulamo xal loogu raadinayo muran ka taagan xil wareejinta Guddoomiyaha Maxkamadda Rafcaanka Gobolka Hiiraan. Kulamadan ayaa u dhexeeyay Mas’uuliyiin ka tirsan Hirshabeelle iyo Mas’uuliyiintii hore ee Maxkamadda Rafcaanka Hiiraan,kuwaasi oo dhammaantood diiday in xilka ay wareejiyan,kadib markii saddex todobaad kahor uu […]

- Advertisement -

Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa waxaa saacadihii la soo dhaafay ka socday kulamo xal loogu raadinayo muran ka taagan xil wareejinta Guddoomiyaha Maxkamadda Rafcaanka Gobolka Hiiraan.

Kulamadan ayaa u dhexeeyay Mas’uuliyiin ka tirsan Hirshabeelle iyo Mas’uuliyiintii hore ee Maxkamadda Rafcaanka Hiiraan,kuwaasi oo dhammaantood diiday in xilka ay wareejiyan,kadib markii saddex todobaad kahor uu xilka qaadis ku sameeyay Madaxweyne Maxamed Cabdi Waare.

- Advertisement -

Sababta ay u diidan yihiin in xilka ay wareejiyan Mas’uuliyiintii Maxkamadda Rafcaanka Gobolka Hiiraan ayaa waxaa ay ku sheegeen inay tahay sababo la xiriro inuu jiro dhaqaalo yari,iyagoona xusay in muddo  aysan helin wax Mushaar ah,isla markaana aysan xilka wareejin karin.

Hayeeshee Magaalada Baladweyne ayaa waxaa ka socda dadaalo lagu doonayo in lagu xaliyo muranka ka taagan xil wareejinta Guddoomiyaha Maxkamadda Rafcaanka Gobolka Hiiraan.

Wareegto ka soo baxday Xafiiska Madaxweynaha Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa Bartamahii bishii hore waxaa xilkii looga qaaday dhammaan Mas’uuliyiinta Maxkamadda Goblka Hiiraan,waxaana isla wareegtadaas lagu magaacabay dhammaan Mas’uuliynta Maxkamadaha Magaalooyinka Baladweyne, Maxaas, Buulo burte iyo deegaano kale

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories