HomeWararSawirro:-Wasaaradda A/Dibadda DFS oo Xafiis ka furatay dowlad Goboleedkii 2-aad

Sawirro:-Wasaaradda A/Dibadda DFS oo Xafiis ka furatay dowlad Goboleedkii 2-aad

Date:

Related stories

Madaxweynaha FIFA oo dhamaadka sanadka Muqdisho ku imaanaya

Madaxweynaha FIFA oo dhamaadka sanadka Muqdisho ku imaanaya – ma waxay horumar ku noqon doontaa kubadda cagta Soomaaliya?

Fire Guts Shops at Mogadishu’s Bakara Market

A major fire tore through Mogadishu's Bakara Market on...

Maxkamad Mumbai oo 44 Soomaali ku xukuntay xabsi daa’in

Maxkamad gaar ah oo ku taal Mumbai ayaa 44 muwaadin Soomaali ah ku xukuntay xabsi daa'in kadib markii ay qireen dembiyada burcad-badeednimo. Ciidanka Badda Hindiya ayaa lagu ammaanay geesinimadooda.

Aabbe oo si kulul uga falceliyay wiilkiisa oo sigaar TikTok Live ku dhaxcabaya

Aabbe Mexico ah ayaa si kulul uga falceliyay wiilkiisa 13 jirka ah markii uu ku arkay isagoo sigaar cabaya TikTok Live. Muuqaalka ayaa dhaliyay dood ku saabsan doorka waalidiinta iyo baraha bulshada.

One Dead as Puntland Security Forces Clash in Bosaso

At least one Puntland Security Force soldier was killed...

Madaxweyne ku-xigeenka Puntland, Ahna ku-simaha Madaxweynaha Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa maanta xarigga ka jaray Xafiis ay Garoowe ka furatay Wasaaradda Arrimaha dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Dowladda Federaalka Soomaaliya. Xafiiskan oo arrimaha Qunsuliyadaha u qaabilsan Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa shaqadiisu noqonaysa fududeynta Dukumentiyada qaadashada Baasaboorka oo awal loo […]

- Advertisement -

Madaxweyne ku-xigeenka Puntland, Ahna ku-simaha Madaxweynaha Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa maanta xarigga ka jaray Xafiis ay Garoowe ka furatay Wasaaradda Arrimaha dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Xafiiskan oo arrimaha Qunsuliyadaha u qaabilsan Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa shaqadiisu noqonaysa fududeynta Dukumentiyada qaadashada Baasaboorka oo awal loo aadi jiray Muqdisho.

- Advertisement -

Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland Ahna Ku-simaha Madaxweynaha Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash oo ka hadlay furitaankii Xafiiskan, wuxuu bogaadiyey in Garoowe laga hirgeliyey Xafiis ay leedahay Wasaaradda Arrimaha Dibadda oo fududeynaya Dukumentiyo iyo Waraaqo awal Safar iyo daahid lagala kulmi jiray.

Furitaanka Xafiiska arrimaha Qunsuliyadaha ee Wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya waxaa Madaxweyne ku-xigeenka ku weheliyey, Xubno ka tirsan Golaha Wasiirada Dowladda Puntland, Saraakiil ka socda Dowladda Federaalka ee Soomaaliya, gaar ahaan Wasaaradda arrimaha dibadda iyo Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha, Taliyaha Ciidamada Booliiska Puntland iyo Guddoomiyaha Degmada Garoowe.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa horey Xafiiska Arrimaha Qunsuliyadaha u qaabilsan uga furatay Magaalada Baydhabo ee Caasimadda KMG u ah dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya..

- Advertisement -

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories