HomeWararQaraxyo Ciidamo ka tirsan AMISOM lagula eegtay Sh/Dhexe & Khasaaro ka dhashay

Qaraxyo Ciidamo ka tirsan AMISOM lagula eegtay Sh/Dhexe & Khasaaro ka dhashay

Date:

Related stories

Somalia Completes First Legal Internship for 34 Women Lawyers

Thirty-four women lawyers complete Somalia's first national legal empowerment internship, boosting female representation across courts and prosecution services.

Turkiga oo $1 bilyan maal-gashaday Soomaaliya balse ka reebay e-Visa

Turkiga oo $1 bilyan ku maal-gashaday Soomaaliya balse ka reebay muwaadiniinta Soomaaliyeed nidaamka e-Visa, iyadoo ay tahay inay fiisooyinka ka soo gudbiyaan safaaradaha. Soomaaliya ayaa la filayaa inay ka wada hadasho Turkiga si loo xalliyo arrintan.

IOM Flies 56 Migrants Back to Ethiopia

 It was a sombre scene at the Bosaso port...

Turkey renews Somalia military deployment for two more years

Turkey's parliament has approved a two-year extension of its...

44 Somali Pirates Sentenced to Life in India

A special court in Mumbai has sentenced 44 Somali...

Wararka aan ka heleyno Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa waxaa ay sheegayaan in Ciidamo ka tirsan kuwa AMISOM Maanta laba qarax oo kala duwan lagula eegtay meel ku dhow Degmada Mahadaay ee Gobolkaas. Qaraxyada oo ahaa Miino nooca dhulka lagu aaso ah ayaa waxaa Ciidanka AMISOM lagula eegtay deegaan lagu magacaabo Buurane oo ka tirsan Sh/Dhexe […]

- Advertisement -

Wararka aan ka heleyno Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa waxaa ay sheegayaan in Ciidamo ka tirsan kuwa AMISOM Maanta laba qarax oo kala duwan lagula eegtay meel ku dhow Degmada Mahadaay ee Gobolkaas.

Qaraxyada oo ahaa Miino nooca dhulka lagu aaso ah ayaa waxaa Ciidanka AMISOM lagula eegtay deegaan lagu magacaabo Buurane oo ka tirsan Sh/Dhexe oo ay Saldhigyo ku leeyihiin Ciidamada,waxaana uu qaraxa dhacay xili halkaas ay ku sugnaayeen.

- Advertisement -

Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay qaraxada oo soo gaaray Ciidanka AMISOM,waxaana Khasaaraha ugu badan  uu ka dhashay qaraxa Koowaad.

Ugu yaraan Afar Askari oo ka tirsan Ciidanka AMISOM ayaa ku geeriyootay qaraxii ugu horeeyay,halka tiro intaas ka badan ay ku dhaawacmeen sida ay sheegeen dadka deegaanka.

Sidoo kale qarax labaad ayaa haleelay Ciidano gurmad ahaa ugu socday Ciidankii lala qaraxa hore lala eegtay,waxaana ka dhashay Khasaaro,hayeeshee weli lama shaacin inta uu la egyahay.

- Advertisement -

Intaasi kadib Ciidanka ayaa howlgal ka sameeyay deegaanka Buurane oo hoostaga  Degmada Mahadaay ee Gobolka Shabeellaha Dhexe,isla markaana waxaa kusoo qabteen dad u badan Dhalinyaro,kuwaasi oo ay uga shakiyeen falal amni darro.

Weli ma jiro wax war ah oo ka soo baxay Saraakiishan Ciidanka AMISOM oo ay uga hadlayaan qaraxyadii Maanta ka dhacay deegaanka Buurane ee Gobolka Shabeellaha Dhexe,mana cid sheegatay Mas’uuliyada weerarkaas.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories