HomeWararSawirro:-Kheyre oo Guddoomiyay Shirka Golaha Wasiirada Koonfur Galbeed

Sawirro:-Kheyre oo Guddoomiyay Shirka Golaha Wasiirada Koonfur Galbeed

Date:

Related stories

Iskaashi xooggan oo muhiim u ah xasilinta Soomaaliya

Safiirka Ingiriiska Charles King oo ka hadlay Aqoon-is-weydaarsiga 3S, isagoo sheegay in iskaashiga adag iyo hoggaaminta maxalliga ah ay muhiim u yihiin horumarka iyo xasilinta Soomaaliya.

Trump oo ku hanjabay inuu Iran “bur-buriyo” haddii la dilo

Trump oo ku hanjabay inuu Iran "bur-buriyo" haddii ay isku daydo dilkiisa, isagoo sheegay in 1,000 oo gantaal diyaar u yihiin. Xiisadda u dhexeysa Washington iyo Tehran ayaa sii kordheysa.

Markii lacagta caddaanka ah ay fashilantay, isku-xirka ayaa noqday lacag

Sida lacagta mobilada ah ay uga caawisay Soomaaliya inay...

When Cash Failed, Connection Became Currency

When cash failed in Somalia, connection became currency. How mobile money helped rebuild trust, access, and resilience and why EVC Plus became more than a payment method. Read the full story.

Journalists union raps Puntland authorities over arrest of reporter

The National Union of Somali Journalists (NUSOJ) has mounted...

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, mudane; Xasan Cali Khayre, ayaa maanta guddoomiyay shirka golaha Wasiirrada Dowlad Gobaleedka Koofur Galbeed oo looga hadlay dar-dar-gelinta shaqooyinka tubaha Koonfur Galbeed. Mudane; Khayre, ayaa sheegay in ku shaqeynta tubuhu ay qeyb ka noqoneyso dejinta nidaam lagu shaqeeyo mustaqbalka, loona baahan yahay in wadajir looga howl-galo si loo fududeeyo hir-gelinta […]

- Advertisement -

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, mudane; Xasan Cali Khayre, ayaa maanta guddoomiyay shirka golaha Wasiirrada Dowlad Gobaleedka Koofur Galbeed oo looga hadlay dar-dar-gelinta shaqooyinka tubaha Koonfur Galbeed.

Mudane; Khayre, ayaa sheegay in ku shaqeynta tubuhu ay qeyb ka noqoneyso dejinta nidaam lagu shaqeeyo mustaqbalka, loona baahan yahay in wadajir looga howl-galo si loo fududeeyo hir-gelinta halbeegyada tubaha ee muhiimka u ah u adeegidda Bulshada, gaaridda hadafyada waaweyn  ee Qarannimo iyo hir-gelinta himilooyinka Bulshadu ay leeyihiin.

- Advertisement -

Ra’iisul Wasaaraha oo golaha Wasiirrada u sheegay in socdaalkiisa uu qeyb ka yahay dhageysiga Bulshada si loo helo fikirkooda horumarineed, wuxuuna intaa raaciyay in ay muhiim tahay wada shaqeynta Dowladda dhexe iyo maamul Gobaleedyada si loo hirgeliyo qorshayaasha horumarineed ee Shacabka lagu gaarsiinayo amni hagaagsan, caafimaad iyo waxbarasho tayo sare leh oo Lacag la’aan ah.

Mudane; Xasan Cali Khayre ayaa Madaxweynaha Koonfur Galbeed ku ammaanay wax qabadka ballaaran ee maamulkiisu qabtay intii uu xilka hayay iyo sida uu tusaalaha wanaagsan ugu yahay wada-shaqeynta Dowladda dhexe iyo maamul Gobaleedyada Dalka.

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, ayaa intaa ka dib kormeeray qaar kamid ah wasaaradaha  iyo Madaxtooyada Dowlad Gobaleedaka Koofur Galbeed, wuxuuna howl wadeennada wasaaraha ka xog wareystay hannaanka ay u wadaan shaqada loogu adeegayo shacabka Koonfur Galbeed.

- Advertisement -

 

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories