HomeWararSomaliland oo ka Jawaabtay Eedeymo uga yimid Puntland

Somaliland oo ka Jawaabtay Eedeymo uga yimid Puntland

Date:

Related stories

Kenya disrupts Al-Shabaab attack plan, kills 11

Kenyan security forces killed at least 11 suspected Al-Shabaab...

President Mohamud off to Doha for Emir’s funeral

Somali President Hassan Sheikh Mohamud is heading to Qatar...

Iskaashi xooggan oo muhiim u ah xasilinta Soomaaliya

Safiirka Ingiriiska Charles King oo ka hadlay Aqoon-is-weydaarsiga 3S, isagoo sheegay in iskaashiga adag iyo hoggaaminta maxalliga ah ay muhiim u yihiin horumarka iyo xasilinta Soomaaliya.

Trump oo ku hanjabay inuu Iran “bur-buriyo” haddii la dilo

Trump oo ku hanjabay inuu Iran "bur-buriyo" haddii ay isku daydo dilkiisa, isagoo sheegay in 1,000 oo gantaal diyaar u yihiin. Xiisadda u dhexeysa Washington iyo Tehran ayaa sii kordheysa.

Markii lacagta caddaanka ah ay fashilantay, isku-xirka ayaa noqday lacag

Sida lacagta mobilada ah ay uga caawisay Soomaaliya inay...

Cabdirisaaq Siciid Bullaale oo ah Abaanduulaha Koowaad ee Ciidanka Somaliland ayaa waxaa uu ka Jawaabay Eedeymo uu Somaliland u soo jeedyay Taliyaha Ciidammada Puntland xili uu ku sugnaa Degmada Badhan ee Gobolka Sanaag. Abaanduulaha Koowaad ee Ciidanka Somaliland oo Maanta warbaahinta Shir Jaraa’id ugu qabtay Magaalada Hargeysa ayaa waxaa uu sheegay in hadalkii ka soo […]

- Advertisement -

Cabdirisaaq Siciid Bullaale oo ah Abaanduulaha Koowaad ee Ciidanka Somaliland ayaa waxaa uu ka Jawaabay Eedeymo uu Somaliland u soo jeedyay Taliyaha Ciidammada Puntland xili uu ku sugnaa Degmada Badhan ee Gobolka Sanaag.

Abaanduulaha Koowaad ee Ciidanka Somaliland oo Maanta warbaahinta Shir Jaraa’id ugu qabtay Magaalada Hargeysa ayaa waxaa uu sheegay in hadalkii ka soo yeeray Taliyaha Puntland ee ahaa  in Somaliland ay xiriir la leeday Al-shabaab uu hadalkaas yahay mid aan waxba ka jirin.

- Advertisement -

Cabdirisaaq Siciid Bullaale ayaa sheegay in Caalanka uu ogyahay in Somaliland iyo Al-shabaab uusan wax xiriir ah ka dhexeyn,isla markaana ay mamulkooda dagaalka ku jiro Shabaab iyo Burcad Badeeda.

“Waxaan uga jawaabaynaa hadalladii Deel-qaafka ahaa ee uu Taliyaha Ciidamada Puntland uu bishan 5-dii Badhan kaga hadlay, hadalladaas oo ahaa inuu Somaliland ku tilmaamay Al-shabaab ama Somaliland iyo Al-shabaab iskaashadaan,halkaas waxaa uu yahay  aan waxba jiri”ayuu yiri Abaanduulaha.

Isaga oo sii hadlaayay ayuu xusay Cabdirisaaq Siciid in Al-shabaab iyo Burcad badeed midna Saldhig ku lahayn deegaanada Somaliland,isla markaana ay ka Caagan yihiin.

- Advertisement -

Ugu dambeyntii Abaanduulaha Koowaad ee Ciidanka Somaliland ayaa sheegay in Xadka Somaliland uu Magaalada Boosaaso u jiro 15KM, Qardhana uu u jiro 7KM,halka Magaalada Garoowe-na uu u jiro 5KM.

Si kastaba hadalka Abaanduulaha Koowaad ee Ciidanka Somaliland ayaa waxaa kusoo,iyadoo dhawaan Taliyaha Ciidanka Puntland xili uu ku sugnaa Degmada Badhan uu sheegay in Somaliland ay xiriir la leeday Al-shabaab.

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories