HomeWararAskari ka tirsan Ciidanka dowladda oo Dil iyo dhaawac ka geystay Muqdisho

Askari ka tirsan Ciidanka dowladda oo Dil iyo dhaawac ka geystay Muqdisho

Date:

Related stories

IOM Flies 56 Migrants Back to Ethiopia

 It was a sombre scene at the Bosaso port...

Turkey renews Somalia military deployment for two more years

Turkey's parliament has approved a two-year extension of its...

44 Somali Pirates Sentenced to Life in India

A special court in Mumbai has sentenced 44 Somali...

Madaxweynaha FIFA oo dhamaadka sanadka Muqdisho ku imaanaya

Madaxweynaha FIFA oo dhamaadka sanadka Muqdisho ku imaanaya – ma waxay horumar ku noqon doontaa kubadda cagta Soomaaliya?

Fire Guts Shops at Mogadishu’s Bakara Market

A major fire tore through Mogadishu's Bakara Market on...

Askari ka tirsan Ciidanka dowladda Soomaaliya ayaa Goordhow qof shacab ah ku dilay mid kalena ku dhaawacay Agagaarka Isgoyska Tarabuunka ee Degmada Hodan ee Gobolka Banaadir. Dad goobjoogayaal ah oo la hadlay Idaacada Dalsan ee Magaalada Muqdisho ayaa u sheegay in Askariga dilka geystay iyo qof shacab ahaa ee Geeriyooday uu marka hore soo kala […]

- Advertisement -

Askari ka tirsan Ciidanka dowladda Soomaaliya ayaa Goordhow qof shacab ah ku dilay mid kalena ku dhaawacay Agagaarka Isgoyska Tarabuunka ee Degmada Hodan ee Gobolka Banaadir.

Dad goobjoogayaal ah oo la hadlay Idaacada Dalsan ee Magaalada Muqdisho ayaa u sheegay in Askariga dilka geystay iyo qof shacab ahaa ee Geeriyooday uu marka hore soo kala dhexgalay muran,hayeeshee markii dambe uu toogtay.

- Advertisement -

Sidoo kale Askarigaas ka tirsan Ciidanka dowladda Soomaaliya ayaa qof kale oo shacab ahaa ku dhaawacay Isgoyska Tarabuunka ee Magaalada Muqdisho,waxaana qofka loo qaaday Mid kamid ah goobaha Caafimaadka ee Muqdisho.

Wararka ayaa intaasi waxaa ay ku darayan in Askariga falka iusgu jiray Dilka iyo dhaawaca geystay uu goobta si deg deg ah uga baxsaday,waxaana Isgoyska Tarabuunka fariisimo ku leh Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Soomaaliya.

Magaalada Muqdisho ayaa xiliyada qaar Askarta ka tirsan Ciidanka dowladda waxaa ay dilal kala duwan ugu geystaan dadka shacabka iyo Darawalada kaxeeysa Mooto Bajaajta.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories