HomeWararDalsan Media Group oo Dacwad ku soo ogeysa Wasiirka Amniga Somalia

Dalsan Media Group oo Dacwad ku soo ogeysa Wasiirka Amniga Somalia [Wargelin sharci oo loo diray]

Date:

Related stories

Kenya disrupts Al-Shabaab attack plan, kills 11

Kenyan security forces killed at least 11 suspected Al-Shabaab...

President Mohamud off to Doha for Emir’s funeral

Somali President Hassan Sheikh Mohamud is heading to Qatar...

Iskaashi xooggan oo muhiim u ah xasilinta Soomaaliya

Safiirka Ingiriiska Charles King oo ka hadlay Aqoon-is-weydaarsiga 3S, isagoo sheegay in iskaashiga adag iyo hoggaaminta maxalliga ah ay muhiim u yihiin horumarka iyo xasilinta Soomaaliya.

Trump oo ku hanjabay inuu Iran “bur-buriyo” haddii la dilo

Trump oo ku hanjabay inuu Iran "bur-buriyo" haddii ay isku daydo dilkiisa, isagoo sheegay in 1,000 oo gantaal diyaar u yihiin. Xiisadda u dhexeysa Washington iyo Tehran ayaa sii kordheysa.

Markii lacagta caddaanka ah ay fashilantay, isku-xirka ayaa noqday lacag

Sida lacagta mobilada ah ay uga caawisay Soomaaliya inay...

Dalsan Media Group oo  ah Warbaahin ka kooban Idaacad iyo TV xarunteedu tahay Magaalada Muqdisho ayaa dacwad kusoo oogaysa Wasiirka Amniga Xukuumadda  Soomaaliya Maxamed Abuukar Islow Ducaale oo ilaaladiisa ay 24/8/2019 rasaas ku fureen Gaari ay la socdeen ilaa afar ka mid ah shaqaalaha Dalsan Media. Falkan ayaa ka dhacay agagaarka Isgoyska Shaqaalaha ee wadadda […]

- Advertisement -

Dalsan Media Group oo  ah Warbaahin ka kooban Idaacad iyo TV xarunteedu tahay Magaalada Muqdisho ayaa dacwad kusoo oogaysa Wasiirka Amniga Xukuumadda  Soomaaliya Maxamed Abuukar Islow Ducaale oo ilaaladiisa ay 24/8/2019 rasaas ku fureen Gaari ay la socdeen ilaa afar ka mid ah shaqaalaha Dalsan Media.

Falkan ayaa ka dhacay agagaarka Isgoyska Shaqaalaha ee wadadda Maka Al-mukarama, kadib markii Rasaas si ku talagal ah loogu furay  Gaariga shirkadda Dalsan Media Group, taas oo dhalisay khasaaro soo gaaray gaarigga, iyadoo shaqaalihii la socday ay ka badbaadeen, balse ay la kulmeen dhaawac maskaxeed qaarkoodna ilaa iyo haatan ay la il daran yihiin maadaama ku dhawaad 40-Xabadood ay jaha kasta kaga dhacday Gaarigga.

- Advertisement -

Qareenka u doodaya Dalsan Media Group Daahir Maxamed Cali [Daahir Carab] ayaa warqad Ogeysiin  Sharci ah Maanta u diray Wasiirka amniga iyadoo la ogeysiiyey wasiirka Warfaafinta xukuumadda Soomaaliya, taasoo ku saabsan dhacdadii 24-kii Agoosto.

Qoraalka loo diray Wasiirka Islow ayaa looga dalbaday inuu xaliyo falkii lagu rasaaseeyey Gaarigga Dalsan TV isagoo mudeeyey inu ku xaliyo muddo 7-maalmood ah, wuxuuna intaas ku daray in Madaxda Dalsan Media Group ay dhowr jeer la xiriireen Wasiir Islow  si ay arrintaas ay ugala hadlaan, hase’ahaatee aanu ka Jawaabin.

Qareen Daahir Carab ayaa qoraalkiisa ku wargeliyey Wasiirka Amniga inuu muddo 7 maalmood ah xal uga gaaro arrintan lana xiriiro madaxda Dalsan Media Group, taas oo haddii aysan dhicin  uu raadin doono dariiq sharci ah oo kale si loo difaaco xuquuqda wakiiladiisa.

- Advertisement -

Halkaan Ka Akhriso Warqadda Qareenka Difaacaya Dalsan Media Group.

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories