HomeWararAkhriso:-Jubbaland oo War ka soo saartay Xariggii Cabdirashiid Janan

Akhriso:-Jubbaland oo War ka soo saartay Xariggii Cabdirashiid Janan

Date:

Related stories

Iskaashi xooggan oo muhiim u ah xasilinta Soomaaliya

Safiirka Ingiriiska Charles King oo ka hadlay Aqoon-is-weydaarsiga 3S, isagoo sheegay in iskaashiga adag iyo hoggaaminta maxalliga ah ay muhiim u yihiin horumarka iyo xasilinta Soomaaliya.

Trump oo ku hanjabay inuu Iran “bur-buriyo” haddii la dilo

Trump oo ku hanjabay inuu Iran "bur-buriyo" haddii ay isku daydo dilkiisa, isagoo sheegay in 1,000 oo gantaal diyaar u yihiin. Xiisadda u dhexeysa Washington iyo Tehran ayaa sii kordheysa.

Markii lacagta caddaanka ah ay fashilantay, isku-xirka ayaa noqday lacag

Sida lacagta mobilada ah ay uga caawisay Soomaaliya inay...

When Cash Failed, Connection Became Currency

When cash failed in Somalia, connection became currency. How mobile money helped rebuild trust, access, and resilience and why EVC Plus became more than a payment method. Read the full story.

Journalists union raps Puntland authorities over arrest of reporter

The National Union of Somali Journalists (NUSOJ) has mounted...

Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose ayaa Maanta waxaa Shir deg deg ah ku yeeshay Guddiga amniga dowlad Goboleedka Jubbaland. Shirkan ayaa waxaa looga hadlay xariga Wasiirka amniga Jubbaland Cabdirashiid Cabdi Xasan Nuur Janan oo shalay Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya ay ku xireen Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho,xili uu Transat […]

- Advertisement -

Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose ayaa Maanta waxaa Shir deg deg ah ku yeeshay Guddiga amniga dowlad Goboleedka Jubbaland.

Shirkan ayaa waxaa looga hadlay xariga Wasiirka amniga Jubbaland Cabdirashiid Cabdi Xasan Nuur Janan oo shalay Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya ay ku xireen Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho,xili uu Transat u ahaa Addis Ababa.

- Advertisement -

War-saxaafadeed ka soo baxay Guddiga amniga Jubbaland ayaa waxaa lagu sheegay in xariga Wasiir Janan uu yahay mid aan raad ku laheyn sharciga, xuquuqda Mas’uuliyiinta Xasaanada leh iyo xaqa Muwaadinka Soomaaliyeed.

Sidoo kale Jubbaland ayaa sheegtay inay ka walaacsan tahay nolosha ammaan iyo badqabka Wasiirka amniga dowlad Goboleedka Jubbaland Cabdirashiid Janan.

Ugu dambeyntii Guddiga amniga Jubbaland ayaa ugu baaqay cid kasta oo ku lug leh tallaabada lagu xiray Cabdirashiid Cabdi Xasan Nuur Janan inay si deg deg ah dib ugu soo celiyaan xorriyadiisa.

- Advertisement -

Hoos ka Akhriso Warka soo baxay Guddiga amniga Jubbaland.

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories