HomeWararSawirro:-Ra’iisul Wasaare Kheyre oo kulan la qaatay Xildhibaanada Mucaaradka

Sawirro:-Ra’iisul Wasaare Kheyre oo kulan la qaatay Xildhibaanada Mucaaradka

Date:

Related stories

Somalia Completes First Legal Internship for 34 Women Lawyers

Thirty-four women lawyers complete Somalia's first national legal empowerment internship, boosting female representation across courts and prosecution services.

Turkiga oo $1 bilyan maal-gashaday Soomaaliya balse ka reebay e-Visa

Turkiga oo $1 bilyan ku maal-gashaday Soomaaliya balse ka reebay muwaadiniinta Soomaaliyeed nidaamka e-Visa, iyadoo ay tahay inay fiisooyinka ka soo gudbiyaan safaaradaha. Soomaaliya ayaa la filayaa inay ka wada hadasho Turkiga si loo xalliyo arrintan.

IOM Flies 56 Migrants Back to Ethiopia

 It was a sombre scene at the Bosaso port...

Turkey renews Somalia military deployment for two more years

Turkey's parliament has approved a two-year extension of its...

44 Somali Pirates Sentenced to Life in India

A special court in Mumbai has sentenced 44 Somali...

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa Maanta Xafiiskiisa ku qaabiley Xildhibaanada Mucaaradka ku ah dowladda Soomaaliya ee ka tirsan Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya kana so jeeda deegaanada Galmudug. Kulanka uu Ra’iisul Wasaare Kheyre la qaatay Xildhibaanada Mucaaradka ayaa waxaa diirada lagu saaray dhismaha Galmudug loo dhan yahay,Geedi-socod iyo hanaan daahfuran In loo […]

- Advertisement -

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa Maanta Xafiiskiisa ku qaabiley Xildhibaanada Mucaaradka ku ah dowladda Soomaaliya ee ka tirsan Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya kana so jeeda deegaanada Galmudug.

Kulanka uu Ra’iisul Wasaare Kheyre la qaatay Xildhibaanada Mucaaradka ayaa waxaa diirada lagu saaray dhismaha Galmudug loo dhan yahay,Geedi-socod iyo hanaan daahfuran In loo loo maro dhismaha dawlad goboleedka.

- Advertisement -

Sidoo kale Xildhibaanada ayaa bogaadiyay hawsha uu hormuudka ka ahaa Xasan Cali Kheyre ee Xoogga lagu saarayey gogol u xaarka dhismaha Galmudugta Cusub iyo sidii Doorashada Galmudug uga dhici laheyd Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda dowlad Goboleedka Galmudug.

Ugu dambeyntii Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre iyo Xildhibaanada ka qeyb galay kulanka ayaa ku heshiiyay dhismaha Galmdug loo dhan yahay oo loo maro hanaan cad, oo dhasha hogaan hanan kara hawlaha hortabinta u leh Galmudug xilligan la joogo.

Xildhibaanada Mucaaradka ee kulanka la yeeshay Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa waxaa kamid ahaa Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi,Xildhibaan Mahad Salaad iyo Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen Odawaa iyo Xildhibaano kale oo ka soo jeeda deegaanka Galmudug.

- Advertisement -

 

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories