HomeWararSawirro:-Madaxweynihii hore ee Soomaaliya oo lagu soo dhaweeyay Koonfur Afrika

Sawirro:-Madaxweynihii hore ee Soomaaliya oo lagu soo dhaweeyay Koonfur Afrika

Date:

Related stories

Uganda oo ogolaatay inay ka qayb qaadato howlgalka nabad-ilaalinta ee Gaza

Uganda oo ogolaatay inay ka qayb qaadato howlgalka nabad-ilaalinta ee Gaza kaddib codsi Trump, iyadoo dalal kale ay weheliyaan.

Xuutiyiinta oo jebisay xabbad joojin 4 sano ah kadib weerarkii Abha

Xuutiyiinta oo weerartay Garoonka Caalamiga ah ee Abha, iyagoo jebiyay xabbad-joojin 4 sano ah. Xiisadda u dhaxaysa Sacuudiga iyo Xuutiyiinta ayaa sii kordheysa kaddib weerarkii Sanaa.

Soomaaliya oo ECOSOC ku soo bandhigtay horumarkeeda

Wasiirka Qorsheynta Maxamuud Beenebeene oo ECOSOC ku soo bandhigay guulaha Soomaaliya, isagoo xusay NTP 2025–2029 iyo horumarka laga gaaray dimuqraadiyadda, dhaqaalaha iyo dowlad-dhiska.

Blanche oo jidka ugu jira Sanduuqa $1.8 bilyan oo la tirtiray

Todd Blanche oo la filayo inuu si fudud u xaqiijisto hay'adaha sare ee Maraykanka inkastoo uu wehliyo culeysyo kala duwan, iyadoo ay jirto su'aal ku saabsan madax-banaanida Wasaaradda Caddaaladda.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa gaaray Magaalada Cape Town ee dalka Koonfur Afrika,iyadoo halkaas siweyn loogu soo dhaweeyay. Sheekh Shariif iyo wafdiga la socday ayaa waxaa Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ah ee Cape Town International Airport kusoo dhaweeyay dadweyne farabadan oo ahaa Jaaliyadda Soomaaliyeed ee halkaas kunool,iyadoo wadatay Boorar ay […]

- Advertisement -

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa gaaray Magaalada Cape Town ee dalka Koonfur Afrika,iyadoo halkaas siweyn loogu soo dhaweeyay.

Sheekh Shariif iyo wafdiga la socday ayaa waxaa Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ah ee Cape Town International Airport kusoo dhaweeyay dadweyne farabadan oo ahaa Jaaliyadda Soomaaliyeed ee halkaas kunool,iyadoo wadatay Boorar ay ku xardhan yihiin sawirkiisa.

- Advertisement -

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ayaa waxaa uu sheegay in  uu aad uga faraxsan yahay soo dhaweeynta ballaaran ee loogu soo dhaweeyay Dalka Koonfur Afrika,isagoo ka mahadceliyay.

“Waxaan aad ugu faraxsanahay soo dhaweyntan qaaliga ah ee aad ii muujiseen, waana kala war qaadanaynaa Maalmaha soo socdana waan idinla joogi doonaa” ayuu yiri Sheekh Shariif.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif ayaa inta uu ku sugan yahay Magaalada Cape Town ee dalka Koonfur Afrika waxaa uu kulamo kala duwan la qaadan doonaa Jaaliyada Soomaaliyeed ee halkaas kunool iyo ganacsatada,isagoona ka xog-wareysan doona xaaladooda iyo dhibaatada dalkaas ku heysta.

- Advertisement -

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories