HomeWararC/raxmaan C/Shakuur “Waxaa shaki abuuraya sababta ciidankii oo guulo soo hoynaya loo...

C/raxmaan C/Shakuur “Waxaa shaki abuuraya sababta ciidankii oo guulo soo hoynaya loo beddelay”

Date:

Related stories

IOM Flies 56 Migrants Back to Ethiopia

 It was a sombre scene at the Bosaso port...

Turkey renews Somalia military deployment for two more years

Turkey's parliament has approved a two-year extension of its...

44 Somali Pirates Sentenced to Life in India

A special court in Mumbai has sentenced 44 Somali...

Madaxweynaha FIFA oo dhamaadka sanadka Muqdisho ku imaanaya

Madaxweynaha FIFA oo dhamaadka sanadka Muqdisho ku imaanaya – ma waxay horumar ku noqon doontaa kubadda cagta Soomaaliya?

Fire Guts Shops at Mogadishu’s Bakara Market

A major fire tore through Mogadishu's Bakara Market on...

Hogaamiyaha Xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa waxaa uu ka hadlay xilka qaadisii lagu sameeyay Taliyihii Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed Genaraal Daahir Aadan Cilmi Indha-qarshe C/raxmaan C/Shakuur ayaa sheegay in shaki badan uu abuurayo sababta loo bedelo Ciidamada Guulaha soo hoynaya,isla markaana la bedelayo iyagoo jiida hore ee dagaalka ku jira. Sidoo kale Hogaamiyaha Xisbiga […]

- Advertisement -

Hogaamiyaha Xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa waxaa uu ka hadlay xilka qaadisii lagu sameeyay Taliyihii Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed Genaraal Daahir Aadan Cilmi Indha-qarshe

C/raxmaan C/Shakuur ayaa sheegay in shaki badan uu abuurayo sababta loo bedelo Ciidamada Guulaha soo hoynaya,isla markaana la bedelayo iyagoo jiida hore ee dagaalka ku jira.

- Advertisement -

Sidoo kale Hogaamiyaha Xisbiga Wadajir ayaa tilmaamay in Nin 5 taliye 2 sano iyo bar ku beddelay in uusan dagaal kula jirin Al-shabaab.

“Allaha guuleeyo wiilasha iyo hablaha Ciidanka Xoogga Dalka ka tirsan ee dagaalka kula jira Al-shabaab furamaha dagaalka ku jira. Waxaase shaki abuuraya sababta ciidankii oo guulo soo hoynaya, loo beddelay taliyihii isagoo weliba jiida hore ee dagaalka ku jira. Nin 5 taliye, 2 sano iyo bar ku beddelay Al-shabaab dagaal kulama jiro”ayuu yiri C/raxmaan C/Shakuur.

Sikastaba halka Hogaamiyaha Xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa waxaa uu kusoo  aadayaa,iyadoo Golaha Wasiirada Xukuumadda Soomaaliya ay xilka qaadis ku sameeyeen Taliyihii Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed Genaraal Daahir Aadan Cilmi Indha-qarshe xili uu ku sugnaa Degmada Awdheegle oo dhawaan Ciidanka dowladda ay Al-shabaab kala wareegeen.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories