HomeWararXoghayihii hore ee G/Banaadir oo ku geeriyooday Qarax loogu xiray gaarigiisa

Xoghayihii hore ee G/Banaadir oo ku geeriyooday Qarax loogu xiray gaarigiisa

Date:

Related stories

Iskaashi xooggan oo muhiim u ah xasilinta Soomaaliya

Safiirka Ingiriiska Charles King oo ka hadlay Aqoon-is-weydaarsiga 3S, isagoo sheegay in iskaashiga adag iyo hoggaaminta maxalliga ah ay muhiim u yihiin horumarka iyo xasilinta Soomaaliya.

Trump oo ku hanjabay inuu Iran “bur-buriyo” haddii la dilo

Trump oo ku hanjabay inuu Iran "bur-buriyo" haddii ay isku daydo dilkiisa, isagoo sheegay in 1,000 oo gantaal diyaar u yihiin. Xiisadda u dhexeysa Washington iyo Tehran ayaa sii kordheysa.

Markii lacagta caddaanka ah ay fashilantay, isku-xirka ayaa noqday lacag

Sida lacagta mobilada ah ay uga caawisay Soomaaliya inay...

When Cash Failed, Connection Became Currency

When cash failed in Somalia, connection became currency. How mobile money helped rebuild trust, access, and resilience and why EVC Plus became more than a payment method. Read the full story.

Journalists union raps Puntland authorities over arrest of reporter

The National Union of Somali Journalists (NUSOJ) has mounted...

Faah faahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qarax uu ku geeriyooday Xoghayihii hore ee Maamulka Gobolka Banaadir oo Maanta ka dhacay Magaalada Muqdisho. Qaraxa oo ahaa mid lagu soo xiray gaari nooca Raaxada ah oo uu watay Xoghayihii hore Gobolka Banaadir Amiin Sheekh Cilmi ayaa waxaa uu qarxay xili uu marayay nawaaxiga Isgoyska KM4 […]

- Advertisement -

Faah faahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qarax uu ku geeriyooday Xoghayihii hore ee Maamulka Gobolka Banaadir oo Maanta ka dhacay Magaalada Muqdisho.

Qaraxa oo ahaa mid lagu soo xiray gaari nooca Raaxada ah oo uu watay Xoghayihii hore Gobolka Banaadir Amiin Sheekh Cilmi ayaa waxaa uu qarxay xili uu marayay nawaaxiga Isgoyska KM4 ee Muqdisho.

- Advertisement -

Qaraxa ayaa waxaa ku dhintay Amiin Sheekh Cilmi,waxaana goobta uu qaraxa ka dhacay gaaray Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Soomaaliya oo halkaas qaaday Meydka Marxuumka.

Sidoo kale waxaa burbur xoogan uu soo gaaray gaarigii  uu watay Xoghayihii hore Gobolka Banaadir,waxaana Amiin Sheekh Cilmi uu xoghaye u ahaa Maamulkii ay hoggaaminayeen Guddoomiyeyaashii hore Muungaab iyo Sheekh Yuusuf Xuseen Jimcaale.

Amiin Sheekh Cilmi ayaa xilka ka bedelay Xoghayihii hore ee Gobolka Banaadir Cabdikaafi Hilowle Cismaan sanadkii 2014,kadib markii uu qarax ka dhacay Muqdisho ku dhintay Allaha u naxariistee Cabdikaafi.

- Advertisement -

Magaalada Muqdisho ayaa saakay waxaa ka dhacay qarax Miino dhulka lagu aasay,waxaana lala egtay gaari ay la socdeen Ciidamo ka tirsan Milateriga Soomaaliya,kaas oo geystay Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories