HomeWararMuxuu ka yiri Safiirka Somalia ee Cumaan Geerida Danjire Xasan Siyaad Barre?

Muxuu ka yiri Safiirka Somalia ee Cumaan Geerida Danjire Xasan Siyaad Barre?

Date:

Related stories

IOM Flies 56 Migrants Back to Ethiopia

 It was a sombre scene at the Bosaso port...

Turkey renews Somalia military deployment for two more years

Turkey's parliament has approved a two-year extension of its...

44 Somali Pirates Sentenced to Life in India

A special court in Mumbai has sentenced 44 Somali...

Madaxweynaha FIFA oo dhamaadka sanadka Muqdisho ku imaanaya

Madaxweynaha FIFA oo dhamaadka sanadka Muqdisho ku imaanaya – ma waxay horumar ku noqon doontaa kubadda cagta Soomaaliya?

Fire Guts Shops at Mogadishu’s Bakara Market

A major fire tore through Mogadishu's Bakara Market on...

Safiirka dowladda Soomaaliya u fadhiya dalka Cumaan Danjire C/Wali Cali Axmed (Jeylaani), ayaa ka tacsiyadeeyay geeridii ku timid Ambassador Xasan Maxamed Siyaad oo hore u soo noqday  Safiirka Soomaaliya ee Cumaan. Danjire C/Wali Cali Axmed (Jeylaani),ayaa ku sifeeyay marxuumka qof wax badan u soo qabtay Qaranka, si gaar ah waxa uu ku amaanay shaqadii wanaagsaneyd […]

- Advertisement -

Safiirka dowladda Soomaaliya u fadhiya dalka Cumaan Danjire C/Wali Cali Axmed (Jeylaani), ayaa ka tacsiyadeeyay geeridii ku timid Ambassador Xasan Maxamed Siyaad oo hore u soo noqday  Safiirka Soomaaliya ee Cumaan.

Danjire C/Wali Cali Axmed (Jeylaani),ayaa ku sifeeyay marxuumka qof wax badan u soo qabtay Qaranka, si gaar ah waxa uu ku amaanay shaqadii wanaagsaneyd ee uu ka qabtay Safaarada Soomaaliya ee dalka Cumaan.

- Advertisement -

“Jaaliyada Soomaaliyeed ee dalka Cumaan iyo Xukuumada wadankaasiba wey ka murugootay geerida Safiirkeenii qaaliga ahaa, waxaan Alle uga baryeynaa inuu janadiisa ka waraabiyo, Wuxuu ahaa qof baal dahaba ka geli doona howshii uu Wadanka u soo qabtay” ayuu yiri Danjire Jeylaani.

Waxa uu ugu danbeyn Tacsi u diray qoyskii iyo Qarankii uu ka geeriyooday marxuum Xasan Maxamed Siyaad Barre, isagoo Alle uga baryay inuu Janadiisa ku galadeysto.

“waxaan murugada ay dareemayaan la qeyb saneynaa Caruurtii, Hooyooyinkooda iyo Qoysaskii uu ka baxay Danjire Xasan Maxamed Siyaad, si gaar ah waxaan ugu tacsiyadeynayaa Reer Maxamed Siyaad Barre gaar ahaan Maslax, Ijaabo, Hodon, Diiriye, Ayaanle iyo Cosob” ayuu hadalkiisa ku soo xiray Safiirka Soomaaliya ee dalka Cumaan Danjire C/Wali Cali Axmed (Jeylaani).

- Advertisement -

Si kastabaa,  Danjire Xasan Maxamed Siyaad Barre oo dhashay sanadii 1950-kii, ayaa duhurnimadii Khamiista  ku geeriyooday magaalada Masqad ee dalka Cummaan oo uu ku noolaa waayadii danbe, isagoona soo maamulay Safaarada Soomaaliya ee dalkaas intii u dhexeysay 2004 ilaa 2015-tii.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories