HomeWararMuwaadin Soomaaliyeed oo lagu dilay Dalka Koonfur Afrika

Muwaadin Soomaaliyeed oo lagu dilay Dalka Koonfur Afrika

Date:

Related stories

Once a Man’s World, Now a Shared Space: Women Transform Mogadishu’s Fish Market.

Every morning, as the sun rises over Mogadishu’s coastline,...

Somali Pirates Hijack Tanker ASANA

MOGADISHU – Somali pirates hijacked the oil tanker ASANA off...

Turkey excludes Somalia from e-Visa expansion

Turkey has expanded its electronic visa (e-Visa) system to...

Danab forces overrun Al-Shabaab stronghold near Jilib

The National Army’s elite Danab commandos have overrun a...

Somalia scrambles for new military allies as AU troops face exit

Somalia's federal government is pressing regional troop-contributing countries to...

Kooxo Burcad Koonfur Afrikan ah ayaa xalay Magaalada Cape town ee dalkaas waxaa ay ku dileen Muwaadin Soomaaliyeed oo kamid ahaa dadka gacansiga ku leh halkaas. Dad ku sugan Koonfur Afrika ayaa sheegay in dilka Muwaadinka Soomaaliyeed uu ka dhacday deegaan lagu magacaabo Khayelitsha oo hoos yimada Magaalada Cape Town,iyadoon uu u geeriyooday Muwaadinkaas rasaas […]

- Advertisement -

Kooxo Burcad Koonfur Afrikan ah ayaa xalay Magaalada Cape town ee dalkaas waxaa ay ku dileen Muwaadin Soomaaliyeed oo kamid ahaa dadka gacansiga ku leh halkaas.

Dad ku sugan Koonfur Afrika ayaa sheegay in dilka Muwaadinka Soomaaliyeed uu ka dhacday deegaan lagu magacaabo Khayelitsha oo hoos yimada Magaalada Cape Town,iyadoon uu u geeriyooday Muwaadinkaas rasaas looga dhuftay qeybaha sare ee Jirkiisa.

- Advertisement -

Allaha u naxariistee Marxuumka la dilay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Cabdifitaax oog,isla markaana waxaa uu kamid ahaa dadka ganacsiga ku leh dalka Koonfur Afrika.

Kooxihii dhagar-qabayaasha ahaa ee fuliyay dilka Cabdifitaax oog ayaa goobta ka baxsaday,waxaana halkaas gaaray Ciidamo ka tirsan Booliska Koonfur Afrka ,iyagoo sameeyay baaritaano aan wax Natiijio ah ka soo bixin.

Dalka Koonfur Afrika ayaa inta badan waxaa dilal kala duwan iyo boob hati loogu geystaa Muwaadiniinta Soomaaliyeed ee dalkaas ku leh ganacsiga kala duwan,mana jirto cid arrintaas wax ka qabatay,iyadoo sanadkan gudihiisa lagu dilay dalkaas dhowr qof oo Muwaadiniin Soomaaliyeed ah.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories