HomeWararRa’iisul Wasaare ku-xigeenka Qatar oo soo gaaray Magaalada Muqdisho

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Qatar oo soo gaaray Magaalada Muqdisho

Date:

Related stories

Somali National University launches national AI centre in Mogadishu

Somali National University launches Somalia's first Artificial Intelligence Centre (SNAIC) in Mogadishu to advance AI research, education and innovation for national development.

Jaamacadda Ummadda oo daahfurtay xarunta Garaad Gacmeedka

Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed oo daahfurtay Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda (SNAIC) si loo horumariyo cilmi-baarista, tababarka iyo hal-abuurka Garaad Gacmeedka Soomaaliya.

Maalinta Caalamiga ah ee Xirfadaha Dhallinyarada 2026

Hano Academy iyo Hano Technical University ayaa si wadajir ah u xusay Maalinta Caalamiga ah ee Xirfadaha Dhallinyarada, iyagoo soo bandhigay fursadaha waxbarasho iyo tababarrada xirfadeed si loogu diyaariyo dhallinyarada Soomaaliyeed mustaqbalka shaqada. Chancellor Dr. Sadiya Siad ayaa ku boorrisay ardayda inay ka faa'iidaystaan fursadaha xirfadeed

Uganda oo ogolaatay inay ka qayb qaadato howlgalka nabad-ilaalinta ee Gaza

Uganda oo ogolaatay inay ka qayb qaadato howlgalka nabad-ilaalinta ee Gaza kaddib codsi Trump, iyadoo dalal kale ay weheliyaan.

Magaalada Muqdisho ee Caasimadda dalka Soomaaliya ayaa Maanta waxaa soo gaaray Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka ahna Wasirka arrimaha dibadda Qatar Mohammed bin Abdulrahman bin Jassim Al Thani iyo wafdi uu hogaaminayo,iyadoo siweyn loogu soo dhaweeyay Magaalada. Mohammed bin Jassim Al Thani iyo wafdiga la socday ayaa waxaa Garoonka diaayadaha Aadan Cadde ee Muqdisho kusoo dhaweeyay Madax […]

- Advertisement -

Magaalada Muqdisho ee Caasimadda dalka Soomaaliya ayaa Maanta waxaa soo gaaray Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka ahna Wasirka arrimaha dibadda Qatar Mohammed bin Abdulrahman bin Jassim Al Thani iyo wafdi uu hogaaminayo,iyadoo siweyn loogu soo dhaweeyay Magaalada.

Mohammed bin Jassim Al Thani iyo wafdiga la socday ayaa waxaa Garoonka diaayadaha Aadan Cadde ee Muqdisho kusoo dhaweeyay Madax sare oo ka tirsan dowladda Soomaaliya iyo xubbno kale.

- Advertisement -

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre  ayaa Xafiiskiisa ku Qaabilay Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka ahna Wasirka arrimaha dibadda Qatar iyo Wafdi uu Hoggaaminayo oo booqasho ku yimid Muqdisho.

Hayeeshee weli wax faahfaahin ah dowladda Soomaaliya kama bixin Ujeedka Wafdiga ka socday dowladda Qatar ee soo gaaray Muqdisho.

Ciidamada amniga dowladda ayaa saakay inta badan xiray Wadooyinka waaweyn Magaalada,waxaana lagu arkayay Ciidamo  gaar ah oo ka tirsan dowladda.

- Advertisement -

 

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories