HomeWararQatar oo shaacisay Lacagta ay ku dhiseyso Dekadda Hobyo

Qatar oo shaacisay Lacagta ay ku dhiseyso Dekadda Hobyo

Date:

Related stories

Fire Guts Shops at Mogadishu’s Bakara Market

A major fire tore through Mogadishu's Bakara Market on...

Maxkamad Mumbai oo 44 Soomaali ku xukuntay xabsi daa’in

Maxkamad gaar ah oo ku taal Mumbai ayaa 44 muwaadin Soomaali ah ku xukuntay xabsi daa'in kadib markii ay qireen dembiyada burcad-badeednimo. Ciidanka Badda Hindiya ayaa lagu ammaanay geesinimadooda.

Aabbe oo si kulul uga falceliyay wiilkiisa oo sigaar TikTok Live ku dhaxcabaya

Aabbe Mexico ah ayaa si kulul uga falceliyay wiilkiisa 13 jirka ah markii uu ku arkay isagoo sigaar cabaya TikTok Live. Muuqaalka ayaa dhaliyay dood ku saabsan doorka waalidiinta iyo baraha bulshada.

One Dead as Puntland Security Forces Clash in Bosaso

At least one Puntland Security Force soldier was killed...

Haweeney Ruush ah oo cabasho muusig uga aargoosatay deriskeeda AK-47

Haweeney Ruush ah ayaa cabasho muusig uga jawaabtay deriskeeda iyadoo AK-47 ku ridday gurigeeda. Muuqaalka ayaa si weyn loogu baahiyay baraha bulshada, isagoo dhaliyay falcelinno kala duwan.

Dowladaha Soomaaliya iyo Qatar ayaa Maanta Magaalada Muqdisho ku kala saxiixday heshiis ku aadan fulinta Dhismaha Dekadda Hobyo ee Gobolka Mudug. Dowladda Qatar ayaa ku dhawaaqday inay si rasmi ah u fulin doonto Mashruuca lagu dhisayo Dhismaha Dekadda Hobyo,kadib markii Muqdisho ay Shir Jaraa’id ku qabteen Wasiirka gaadiidka dowladda Soomaaliya iyo Wasiirka gaadiidka Qatar. Sidoo […]

- Advertisement -

Dowladaha Soomaaliya iyo Qatar ayaa Maanta Magaalada Muqdisho ku kala saxiixday heshiis ku aadan fulinta Dhismaha Dekadda Hobyo ee Gobolka Mudug.

Dowladda Qatar ayaa ku dhawaaqday inay si rasmi ah u fulin doonto Mashruuca lagu dhisayo Dhismaha Dekadda Hobyo,kadib markii Muqdisho ay Shir Jaraa’id ku qabteen Wasiirka gaadiidka dowladda Soomaaliya iyo Wasiirka gaadiidka Qatar.

- Advertisement -

Sidoo kale Mashuuca lagu dhisayo Dhismaha Dekadda Hobyo ee Gobolka Mudug ayaa waxaa ku baxaya lacag dhan 174 Milyan oo Dollar.

Magaalada Muqdisho ayaa Maanta waxaa soo gaaray Wasiirka arrimaha dibadda ahna Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Qatar, Sheikh Mohammed bin Abdulrahman bin Jassim Al Thani iyo wafdi uu hoggaaminayo oo qayb ay ka ahaayeen Wasiirka wasaaradda gaadiidka, isgaarsiinta iyo dekada dawladda Qatar, Jassim Bin Saif Ahmed Al Sulaiti.

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka xukuumadda federaalka Soomaaliya, mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) iyo xubna ka tirsan golaha wasiirrada ayaa garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Aadan Cabdulle Cusmaan kusoo dhaweeyay wafdiga ka socda Qatar ee booqashada ku yimid magaalada Muqdisho.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories