HomeWararNooc cusub oo Cuddurka Malaariyada oo ka dilaacay qeybo ka mid ah...

Nooc cusub oo Cuddurka Malaariyada oo ka dilaacay qeybo ka mid ah Is-maamulka Soomaalida ee Ethiopia

Date:

Related stories

Muqdisho oo Lagu Qabtay Madasha Amniga Internetka

Muqdisho waxaa ka furmay Madasha 4-aad ee Amniga Internet-ka Soomaaliya, oo ay soo qabanqaabiyeen NCA iyo Jaamacadda Muqdisho,

Soomaaliya oo Sheegtay in 55% Dhulkii AS Dib Loo Qabsaday

La-taliyaha Amniga Qaranka Soomaaliya, Aweys Xaaji Yuusuf Axmed, ayaa madasha Global Security Forum 2026 ee Doha ka sheegay in dowladda dib ula wareegtay in ka badan 55%

Dowladda Ethiopia ayaa sheegtay inay socdaan dadaalo lagu doonayo in lagu xakameeyo cudurka Malaariyadda nooca Chikungunya oo ka dilaacay qeybo ka mid ah Bariga dalkaasi. Is-maamulka magaalladda 2-aad ee ugu weyn dalkaasi ee Diridhabe waxay shalay shaaciyeen inay socdaan olole looga hor tagayo cuurkaasi, iyadoo ay in ka badan 3,750 Kiisaska cuddurkaasi  laga helay magaalladdaasi Madaxa Xafiiska […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Dowladda Ethiopia ayaa sheegtay inay socdaan dadaalo lagu doonayo in lagu xakameeyo cudurka Malaariyadda nooca Chikungunya oo ka dilaacay qeybo ka mid ah Bariga dalkaasi.

Is-maamulka magaalladda 2-aad ee ugu weyn dalkaasi ee Diridhabe waxay shalay shaaciyeen inay socdaan olole looga hor tagayo cuurkaasi, iyadoo ay in ka badan 3,750 Kiisaska cuddurkaasi  laga helay magaalladdaasi

- Advertisement -

Madaxa Xafiiska Caafimaadka ee Diredhabe, Fu’aad Kadiir oo la hadlay Idaacadda FANA waxa uu sheegay in aan weli la xaqiijinin inay dhamaan Kiisaskaasi xiriir la la leeyihiin nooca cusub ee cuddurka Malaariyadda

Lama soo werinin dad u geeriyooday cuddurkaasi, iyadoo dadka ku nool Diridhabe loo qeybiyey in ka badan 179,000 oo maro-kaneecadda looga gaashaanto qaniinyada Kaneecadda.

Sidoo kale, Cuddurka Kaneecadda ee nooca Chikungunya waxaa kaloo la sheegay inuu waxyeelo ka geystay Is-maamulladda Qowmiyadaha Soomaalida, Cafarta iyo kuwa Gobalka Koonfureed ee dalkaasi.

- Advertisement -

Sida laga soo xigtay Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee WHO waxa cuddurka nooca Kaneecadda ee Chikungunya waa Fayris ay Kaneecadda Dhedig faafiso, marka ay soo qaniinto qof la xanuunsanaa cuddurkaaasi oo Xumad daran leh.

Calaamadaha lagu garan karo Bukaanka uu ku dhaco cuddurka nooca Malaariyadaasi waxaa ka mid ah Matag Joogto ah, cirid dhiig, Neefsasho degdegsiimo leh iyo hunqaaco uu dhiig la socdo.

Hay’adda WHO waxay kaloo sheegtay in cuddurka Malaariyadda ee nooca Chikungunya laga helo Deegaanadda ay ku badan tahay Kaneecadda Dheddiga ee faafisa Fayriska loo yaqaano Dengue.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts