HomeWararRaashiya oo maalintii 3-aad Gantaalladda S400 u daabushay dalka Turkiga

Raashiya oo maalintii 3-aad Gantaalladda S400 u daabushay dalka Turkiga

Date:

Related stories

Jabuuti iyo Itoobiya oo Bilaabay Dhuun Shidaal

Jabuuti iyo Itoobiya ayaa bilaabay dhismaha dhuun shidaal oo dhererkeedu yahay 120 KM, taas oo isku xiri doonta Damerjog iyo Dewele, laguna doonayo in lagu fududeeyo gaarsiinta shidaalka.

Farmaajo oo Xasan Sheekh U Baaqay Wada-hadal

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) ayaa Xasan Sheekh Maxamuud ugu baaqay wada-hadal siyaasadeed iyo heshiis laga gaaro

Trump oo UN-ka Ka Hadlay Iran iyo ICC

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa khudbaddiisa Golaha Guud ee Qaramada Midoobay kaga hadlay Iran, Maxkamadda Dambiyada Caalamiga ah

Diyaaradaha Xamuulka ee dalka Raashiya waxay maanta mar kale shixnadda Gantaalladda Nidaamka Difaaca ee S400 gaarsiiyeen dalka Turkiga, sida ay shaaciyeen Warbaahinta Turkiga iyo kuwa Raashiya. Wasaaradda Difaaca ee Turkiga waxay Bartooda Twitter-ka maanta soo dhigtay in Shixnadihii 5-aad iyo 6-aad ee Diyaaradaha Xamuulka Raashiya maanta soo caga-dhigteen Saldhigga Ciiddanka Cirka ee Murteed oo u […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Diyaaradaha Xamuulka ee dalka Raashiya waxay maanta mar kale shixnadda Gantaalladda Nidaamka Difaaca ee S400 gaarsiiyeen dalka Turkiga, sida ay shaaciyeen Warbaahinta Turkiga iyo kuwa Raashiya.

Wasaaradda Difaaca ee Turkiga waxay Bartooda Twitter-ka maanta soo dhigtay in Shixnadihii 5-aad iyo 6-aad ee Diyaaradaha Xamuulka Raashiya maanta soo caga-dhigteen Saldhigga Ciiddanka Cirka ee Murteed oo u dhow caasimadda dalkaasi ee Ankara.

- Advertisement -

Wasaaraddu waxay kaloo sheegtay in 2 Diyaarado kale oo wada Xamuulka S400 la rajeynayo inay soo caga-dhigtaan Saldhigaasi saacado gudahood.

Soo-daabulista Nidaamka difaaca ee S400 oo bilaabantay Jimcihii la soo dhaafay waxa uu khilaaf xooggan ka dhex dhaliyey  Maraykanka iyo Turkiga.

Dhinaca kale, Dowladda Maraykanka waxay ku celcelisay inay Turkiga ku soo rogi doonaan cunaqabatayn dhaqaale, kadib, markii ay Maraykanka la laabteen qorshe Turkiga looga iibin lahaa Diyaaradaha Dagaalka F35 ee uu Maraykanka farsameeyo.

- Advertisement -

 

 

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts