HomeMaqalDhageyso:-Xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka oo Dowladda ku Eedeeyay Weerarkii Kismaayo

Dhageyso:-Xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka oo Dowladda ku Eedeeyay Weerarkii Kismaayo

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Duuliyihii Flydubai oo Weerar Lagu Dhaawacay

Duuliyihii diyaaradda Flydubai ee ka duushay Dubai kuna socotay Tel Aviv ayaa dhaawacmay kadib iska horimaad ka dhacay qolkii duuliyayaasha, iyadoo diyaaradda si degdeg ah loogu dejiyay Tabuk, Sacuudiga.

Xildhibaan Xasan Cabdi Ismaaciil Xasan Yare oo ka tirsan Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxaa dowladda Soomaaliya ku eedeeyay inay ka dambeysay weerarkii Jimcihii ka dhacay Magaalada Kismaayo ee Caasimadda KMG u ah maamulka Jubbaland. Xildhibaan Xasan Yare oo la hadlay TV-ga Afka Soomaaliga ku baxa ee Universal ayaa waxaa uu sheegay in inuu […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Xildhibaan Xasan Cabdi Ismaaciil Xasan Yare oo ka tirsan Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxaa dowladda Soomaaliya ku eedeeyay inay ka dambeysay weerarkii Jimcihii ka dhacay Magaalada Kismaayo ee Caasimadda KMG u ah maamulka Jubbaland.

Xildhibaan Xasan Yare oo la hadlay TV-ga Afka Soomaaliga ku baxa ee Universal ayaa waxaa uu sheegay in inuu kamid ahaa dadkii ka badbaabay weerarkii lagu qaaday Hotel Cas-caseey oo rag ka tirsan Al-shabaab ay weerareen,isla markaana halkaas lagu dilay Wariyeyaal,Ganacsade iyo Musharax Madaxweynaha Jubbaland iyo dad kale oo shacab  ahaa.

- Advertisement -

Sidoo kale Xildhibaanka ayaa waxaa uu sheegay in weerarkii ka dhacay Kismaayo ay soo abaabushay dowladda Soomaaliya,isla markaana uu xirrir ka dhexeeyo dowladda iyo Al-shabaab,lana doonayo in la qal-qal galiyo Amniga Doorashada Jubbaland.

Xildhibaan Xasan Cabdi Ismaaciil Xasan Yare ayaa tilmaamay in ragii fuliyay weerarkii Hotel Cas-Caseey ay wateen dharka Ciidanka Booliska dowladda Federaalka,iyadoona dhawaan Dharkaas Ciidanka Booliska loogu qeybiyay Iskuul Buluusiya.

Ugu dambeyntii Xildhibaan Xasan Cabdi Ismaaciil (Xasan Yare) oo ka tirsan Xildhibaanada Baarlamanka Soomaaliya ee laga soo doortay Jubbaland ayaa sheegay in Hotelka la beegsaday ay daganaayeen Dad taageersan Maamulka Jubbaland ee hadda Jira.

- Advertisement -

Hadalka Xildhibaanka ayaa waxaa kusoo aadayaa,iyadoo weerar isugu jiray Qarax iyo mid toos ah Gelinkii dambe ee Jimcihii la soo dhaafay lagu qaaday Hotel Cas-Caseey ee ku yaalla Magaalada Kismaayo,waxaana weerarka ku dhintay Wariyeyaal,Ganacsade iyo Musharax Madaxweynaha Jubbaland iyo dad kale oo shacab  ahaa.

Hoos ka Dhageys Codka Xildhibaan Xasan Yare.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts