HomeWararSawirro:-Sida Ra’iisul Wasaare Kheyre loogu soo dhaweeyay Gurigeel

Sawirro:-Sida Ra’iisul Wasaare Kheyre loogu soo dhaweeyay Gurigeel

Date:

Related stories

Xuutiyiinta oo jebisay xabbad joojin 4 sano ah kadib weerarkii Abha

Xuutiyiinta oo weerartay Garoonka Caalamiga ah ee Abha, iyagoo jebiyay xabbad-joojin 4 sano ah. Xiisadda u dhaxaysa Sacuudiga iyo Xuutiyiinta ayaa sii kordheysa kaddib weerarkii Sanaa.

Soomaaliya oo ECOSOC ku soo bandhigtay horumarkeeda

Wasiirka Qorsheynta Maxamuud Beenebeene oo ECOSOC ku soo bandhigay guulaha Soomaaliya, isagoo xusay NTP 2025–2029 iyo horumarka laga gaaray dimuqraadiyadda, dhaqaalaha iyo dowlad-dhiska.

Blanche oo jidka ugu jira Sanduuqa $1.8 bilyan oo la tirtiray

Todd Blanche oo la filayo inuu si fudud u xaqiijisto hay'adaha sare ee Maraykanka inkastoo uu wehliyo culeysyo kala duwan, iyadoo ay jirto su'aal ku saabsan madax-banaanida Wasaaradda Caddaaladda.

Over 40 Al-Shabaab Fighters Killed in Goobo, Hiiraan

The Somali National Armed Forces, supported by international partners, killed more than 40 Al-Shabaab militants and wounded 12 others during a coordinated airstrike in the village of Goobo, Hiiraan region, late Monday night.

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Xasan Cali Khayre iyo wafdi uu hoggaaminaayo ayaa si heer sare ah loogu soo dhaweeyay magaalada Gurigeel ee gobalka Galguduud. Mudane Xasan Cali Khayre oo kumannaan dadwayne ah iyo mas’uuliyiin dowladeed oo soo dhawayntiisa isugu soo baxay kula hadlay goob fagaara ah ayaa mahad celin kadib waxa uu […]

- Advertisement -

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Xasan Cali Khayre iyo wafdi uu hoggaaminaayo ayaa si heer sare ah loogu soo dhaweeyay magaalada Gurigeel ee gobalka Galguduud.

Mudane Xasan Cali Khayre oo kumannaan dadwayne ah iyo mas’uuliyiin dowladeed oo soo dhawayntiisa isugu soo baxay kula hadlay goob fagaara ah ayaa mahad celin kadib waxa uu uga warbixiyay qorshaha socdaalkiisa Galmudug iyo guulihii la gaaray intii uu waday wadatashiyada uu bulshada kala yeelanayay dhismaha dowlad gobaleed Galmudug loo dhanyahay, waxa uuna ugu baaqay in ay kaalintooda ka qaataan qorshaha dib-u-heshiisiinta iyo dhismaha hay’adaha Galmudug.

- Advertisement -

Ra’iisul Wasaaraha ayaa mar kale ku baaqay in si shurruud la’aan loo joojiyo colaadaha dhiiggu ku daadanayo ee ka socda deegaannada hoos taga degmada Matabaan ee gobalka Hiiraan.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa intii uu marayay deegaannada dowlad gobaleedka Galmudug waxa uu kulamo wadatashi la yeeshay bulshada qaybaheeda kala duwan, si uu uga dhagaysto talooyinka iyo tusaalaha dhismaha Galmudug dhamaystiran.

Mudane Khayre oo horay u tegay deegaano ay kamid yihiin Dhuusamareeb, Cadaado, Caabuudwaaq, Huurshe iyo Xeraale ayaa inta uu joogo Guriceel waxa uu si la mid ah deegaannadii uu soo maray kulamo la yeelanayaa qaybaha bulshada.

- Advertisement -

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories