HomeWarar(FAALLO): Faragelinta Kenya ee A/Gudaha ee Somalia oo sii ololin karta Xiisadda...

(FAALLO): Faragelinta Kenya ee A/Gudaha ee Somalia oo sii ololin karta Xiisadda Diplomaasiyadeed ee labada Waddan

Date:

Related stories

Iskaashi xooggan oo muhiim u ah xasilinta Soomaaliya

Safiirka Ingiriiska Charles King oo ka hadlay Aqoon-is-weydaarsiga 3S, isagoo sheegay in iskaashiga adag iyo hoggaaminta maxalliga ah ay muhiim u yihiin horumarka iyo xasilinta Soomaaliya.

Trump oo ku hanjabay inuu Iran “bur-buriyo” haddii la dilo

Trump oo ku hanjabay inuu Iran "bur-buriyo" haddii ay isku daydo dilkiisa, isagoo sheegay in 1,000 oo gantaal diyaar u yihiin. Xiisadda u dhexeysa Washington iyo Tehran ayaa sii kordheysa.

Markii lacagta caddaanka ah ay fashilantay, isku-xirka ayaa noqday lacag

Sida lacagta mobilada ah ay uga caawisay Soomaaliya inay...

When Cash Failed, Connection Became Currency

When cash failed in Somalia, connection became currency. How mobile money helped rebuild trust, access, and resilience and why EVC Plus became more than a payment method. Read the full story.

Journalists union raps Puntland authorities over arrest of reporter

The National Union of Somali Journalists (NUSOJ) has mounted...

Dowladda Kenya waxay culayskii ugu xoogganaa saartay sidii ay u fashilin lahaayeen dacwadda ay Somalia u gudbisay Maxkamadda Caalamiga ee ICJ, kuna aadan Sheegashadda Kenya ee qeyb badan oo ka tirsan Badda Somalia ee ku teedsan Badweynta Hindiya. Diplomaasiyiinta iyo Madaxda dalkaasi waxay isku Aragti ka yihiin Caddowtooyadda muuqata ee ay ku colaadinayaan dalka Somalia […]

- Advertisement -

Dowladda Kenya waxay culayskii ugu xoogganaa saartay sidii ay u fashilin lahaayeen dacwadda ay Somalia u gudbisay Maxkamadda Caalamiga ee ICJ, kuna aadan Sheegashadda Kenya ee qeyb badan oo ka tirsan Badda Somalia ee ku teedsan Badweynta Hindiya.

Diplomaasiyiinta iyo Madaxda dalkaasi waxay isku Aragti ka yihiin Caddowtooyadda muuqata ee ay ku colaadinayaan dalka Somalia ee ay deris-wadaagga yihiin, waxayna u xusul-duubayaan inay ugu yaraan fashiliyaan Dacwaddaaasi iyo inay kala dhantaalaan Midnimadda dalkeenna.

- Advertisement -

Xeeldheerayaasha waxay rumeysan yihiin inay Dowladda Kenya ku dhaqmayso Siyaasad marin habaabsan, taasi oo laga dheehan karo hadba Eedeyn Siyaasadeedka dhiciska ah ee ay soo hal-abuuraan iyo sida ay uga biyo-diidsan yihiin inay garwaaqsadaan Xadgudubyadda ay ku raad-joogaan.

Cadad ma laha inta  jeer ee ay Dowlado iyo Shirakado Caalami ah ku eedeeyaan inay Somalia la barbar taagan yihiin dacwadda Xuduud-baddeedka ee ay Maxkamadda Caalamiga ee Garoorka ee ICJ go’aan ka gaari doonto.

Waxaana markhaati ma-doonta inay Dowladda Kenya u xusul-duubayso inay Ra’yul-caalamka ku marin habaabiyaan Xaqiiqda Dhabka ee Kiiskaasi, iyagoo sheegashadooda ku salaynaya Khariid ama Maab la been abuuray oo aan ka turjumaynin xaqiiqda rasmiga ee Sohdinta Bad iyo Berri ee u dhexeysa labada waddan.

- Advertisement -

Dowladda  Somalia waxay ku taagan tahay in  calaamadda xuduudka Badda ku sar go’an tahay xuduudka Berriga, halka ay Dowladda Kenya doonayso inay kala duwanaadaan calaamadaynta asaasiga ee Xuduudka Berriga iyo Badda ee labada Waddan.

Marka la eego Khariidada ay ku dooayaan waxaa laga dheehan karaa inay Xuduud-baddeedkooda yahay mid aan la aqbali Karin, maadaama ay doonayaan in xuduud-baddeedkooda ka soo bilowdo gudaha xuduud-baddeedka rasmiga ee Somalia, si ay u sheegtaan milkiyadda 100,000 oo KM oo isku wareeg ah oo ka mid ah Badda Somalia.

Dowladda Kenya waxaa ka muuqda Kalsooni-darro iyo been abuur xadkiisa dhaafay waxayna bilowday Hanjabaadyo iyo Faragelin muuqata oo ay ku sameeyaan Arrimaha Gudaha iyo Danaha Somalia.

Dhacdooyinka  Faragelinta Siyaasadeed ee Dowladda Kenya waxaa la dheehan karaa inay la soo baxeen Siyaasad ay Isbahaysi kula noqonayaan Siyaasiyiinta Mucaaradka iyo Maamul-gobaleedka khilaafsan Dowladda Federalka, si  cadaadis doc kasta leh loogu abuuro DFS.

Tusaalaha ugu nugul ee ka markhaati kacaya Siyaasadda Kenya waxa  loo soo qaadan karaa silsiladaha faragelinta ee ay ku doonayaan inay  xaallad Calawsanaan uga abuuraan Arrimaha Gudaha ee Somalia.

Ficilka ay Dowladda Kenya ku sheegtay inay dal madax-bannaan ugu aqoonsan doonaan Maamulka Somaliland ee gacanta ku haya Goballadda W/Galbeed ee dalka Somalia.

Xoghayaha Joogtadda ee Xoghayaha Joogtadda ee Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee dalkaasi, Kamau Macharia ayaana loo arkaa Wasiirka Dadban ee Wasaaraddaasi, maadaama uu isagu go’aaminayo hadba Aragtida uu ku sii ololinayo Khilaafka Taagan.

Waxa uu si ay khibrad-xumo Diplomaasiyadeed ka muuqato ugu il-duufay inuu bartiisa Twitterka ku go’aamiyo Argatida Dowladda Kenya ku doonayso inay Maamulka Somaliland ugu aqoonsadaan waxa uu ugu yeeray Dowlad madax bannaan.

Diplomaasigaasi oo ka mid ah Siyaasiyiinta had iyo jeer sii huriya Xiisadda u dhexeysa Somalia iyo Kenya waxa uu bishii hore ee June 27-dii bartiisa Twitterka soo dhigay isagoo gacan qaadaya Wasiir ka socday Maamulka Somaliland iyo inay ka wada hadleen  xiriirka labada dhinac, waa sida uu hadalka u dhigay.

Qoraalkaasi waxa uu xadgudub bareer ah ku yahay  Qaanuunka Caalamiga iyo Is-xushmeynta dalalka deriska, sida lagu sheegay Qoraal ay soo saartay Wasaaradda Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Somalia.

Tallaabadda ay Wasaaradda ugu yeertay Danjiraha Kenya u jooga Somalia, Ambassador Lucas Tumb.

Looguna dhiibay Qoraalka Ashtakadda ee ka dhanka ah Dowladda Kenya waxa uu ahaa Go’aan Diplomaasiyadeed oo sax ah, kaasi oo fal-celin u ahaa qoraalkii uu Twitterkiisa ku soo qoray Xoghayaha Joogtadda ee Wasaaradda Arrimaha dibedda ee Kenya, Kamau Macharia.

Qoraalka waxaa si Lahjad Diplomaasiyadeed oo diiran loogu sheegay inay Tallaabadda Dowladda Kenya xadgudub ku tahay Madax-bannaanida, Midnimadda iyo Xuduud-dhuleed ee Somalia, isla markaana uu dhaawac xooggan u geysan karo Xiriirka Diplomaasiyadeed ee u dhexeeya Dowladaha Somalia iyo Kenya.

Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Kenya weli kama aysan hadlin qoraalkii Ashtakada ee ka dhanka ahaa Faragelinta Kenya ee  Arrimaha Daakhiliga ee Somalia.

Marka doc kasta laga eego culaysyadda xadgudubyadda Dowladda Kenya ku hayso Somalia waxay Kenya rumeysan tahay inay Somalia xilligan itaal u haynin Colaad Hubeysan, inkastoo qiimeyntaasi tahay mid khiyaali ah oo aan ka turjumaynin Awoodda iyo Khibradda dadka Soomaaliyeed  u leeyihiin Dagaalka.

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories