HomeWararSawirro:-Ra’iisul Wasaare Kheyre oo weli kulamo ka wada Dhuusamareeb

Sawirro:-Ra’iisul Wasaare Kheyre oo weli kulamo ka wada Dhuusamareeb

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Xasan Cali Khayre ayaa magaalada Dhuusamareeb ee xarunta dowlad gobaleedka Galmudug kulan kula yeeshay qaar kamid ah dhallinyarada magaalada. Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre oo su’aalo ay waydiiyeen dhallinyarada uga jawaabay ayaa sheegay in ay muuqato yadadiilo Soomaalinno, ay jirto fursaddii ugu wanaagsanayd ee lagu dhisi lahaa Galmudug, […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Xasan Cali Khayre ayaa magaalada Dhuusamareeb ee xarunta dowlad gobaleedka Galmudug kulan kula yeeshay qaar kamid ah dhallinyarada magaalada.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre oo su’aalo ay waydiiyeen dhallinyarada uga jawaabay ayaa sheegay in ay muuqato yadadiilo Soomaalinno, ay jirto fursaddii ugu wanaagsanayd ee lagu dhisi lahaa Galmudug, ayna muhiim tahay in dhallinyaradu ay qaybta ugu wayn ka qaadato dib-u-dhiska Galmudug midaysan, toosan, tayaysan, hufan oo bulshada u adeegta kana qayb qaadata horumarka dalka.

- Advertisement -

Dhallinyarada ayaa Ra’iisul Wasaaraha uga mahadceliyay dadaalka hagar la’aaneed ee uu gelinayo ka guul gaaridda dib-u-dhiska dowlad gobaleedka Galmudug, waxa ayna ballan qaadeen in ay qaybta kaga aadan ka qaadanayaan dib-u-dhiska hay’adaha dowlad gobaleedka Galmudug iyo ka mira dhalinta gogosha dib-u-heshiisiinta ee la dhigayo Dhuusamareeb.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sidoo kale dhallinyarada u sheegay in dalka Soomaaliyeed uu u baahanay dhallinyaro ka fakarta mustaqbalka fog, abaabulan, midaysan, ka madax bannaan dano gaar ah iyo khilaaf, la shaqeeya dowladda lana xisaabtama kuna haga wadada saxda ah, isuna diyaariya la wareegidda awoodda dalka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa intii uu deegaannada dowlad gobaleedka Galmudug joogay waxa uu weday kulamo wadatashi ah oo uu la yeelanayay bulshada qaybaheeda kala duwan.

- Advertisement -

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts