HomeWararMaxay ka wada hadleen Wasiirka Dastuurka Somalia iyo James Swan?

Maxay ka wada hadleen Wasiirka Dastuurka Somalia iyo James Swan?

Date:

Related stories

Once a Man’s World, Now a Shared Space: Women Transform Mogadishu’s Fish Market.

Every morning, as the sun rises over Mogadishu’s coastline,...

Somali Pirates Hijack Tanker ASANA

MOGADISHU – Somali pirates hijacked the oil tanker ASANA off...

Turkey excludes Somalia from e-Visa expansion

Turkey has expanded its electronic visa (e-Visa) system to...

Danab forces overrun Al-Shabaab stronghold near Jilib

The National Army’s elite Danab commandos have overrun a...

Somalia scrambles for new military allies as AU troops face exit

Somalia's federal government is pressing regional troop-contributing countries to...

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dastuurka XFS mudane Saalax Ahmed Jaamac ayaa maanta xafiiskisa ku qaabilay Wakiilka qaramada Midoobay ee Soomaaliya mudane James Swan oo uu dhowaan soo magacaabay Xoghayaha guud ee qaramada Midoobay António Guterres. Wasiir saalax ayaa ugau horrayn uga war bixiyay guulaha laga gaaray howlaha dib-u-eegista dastuurka iyo sida ay dowladda uga go’anahay in […]

- Advertisement -

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dastuurka XFS mudane Saalax Ahmed Jaamac ayaa maanta xafiiskisa ku qaabilay Wakiilka qaramada Midoobay ee Soomaaliya mudane James Swan oo uu dhowaan soo magacaabay Xoghayaha guud ee qaramada Midoobay António Guterres.

Wasiir saalax ayaa ugau horrayn uga war bixiyay guulaha laga gaaray howlaha dib-u-eegista dastuurka iyo sida ay dowladda uga go’anahay in ay dhamaystirto dib-u-eegista dastuurka dhammaadka sanadkan.

- Advertisement -

Wasiirka ayaa sheegay in la dhihi karo dastuurka waa uu dhamaaday balse waxa dhiman ay tahay in madaxda dowladda federaalka iyo dowladaha xubnaha ka ah ay ka heshiiyaan arrimaha u baahan wada xaajoodyada siyaasadeed.

Sidoo kale, wasiir saalax axmed Jaamac ayaa sheegay in u jeedada ugu wayn ay tahay in Somaaliya noqoto dowlad hannaanka federalka iyo demoqraadiyaddu si sax ah uga dhaqan gasho taasna ay ku xirantahay Dastuurka oo la dhamaystiro.

“Si Soomaaliya u noqoto dowlad federal ah oo demoqraadiyaddu si fcn uga dhaqan gasho, waxaa lagamamaarmaan ah in la dhamaytiro dastuurka” ayuu yiri Wasiir Saalax axmed Jaamac.

- Advertisement -

Dhanka kale, Wakiilka xogyaha guud ee qaramada midoobey u qaabilsan Soomaaliya Mr. James Swan ayaa ka mahadceliyay soo dhowaynta waxa uuna boqgaadiyay guulaha laga gaaray dib-u-eegista dastuurka, sidoo kale waxa uu hoosta ka xarriiqay in qaramada midoobay ay sii wadayso taageeradeeda Somalia gaar ahaan dib-u-eegista dastuurka oo uu shegay in ay muhiim tahay in la helo dastuur lagu heshiiyay.

Sidoo kale, wasiir Saalax Axmed Jaamac ayaa xafiiskiisa kulan kula qaatay agaasimaha UNDP- Somalia Mr. Jocelyn Mason ee dhowaan la soo magacaabay, iyagoo kawada hadlay sida loo sii wadi lahaa wada shaqaynta UNDP iyo Wasaaradda Dastuurka. UNDP ayaa ka teegeerta Somaaliya arrimo badan oo ay ka mid tahay dib-u-eegista Dastuurka.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories