HomeWararWafdi Goor dhow gaaray Dhuusamareeb iyo soo dhaweeyn loo sameeyay

Wafdi Goor dhow gaaray Dhuusamareeb iyo soo dhaweeyn loo sameeyay

Date:

Related stories

Wasiir Soomaali oo Geneva ku soo bandhigay horumarka dijitaalka Soomaaliya

WSIS+20 oo ka dhacaya Geneva ma Soomaaliya ay ka mid tahay dalalka hormoodka ah?

FBI oo $150,000 ku bixinaysa Fahad Nur oo Soomaaliya ku sugan

FBI oo $150,000 ku bixinaysa macluumaad horseeda qabashada Fahad Maxamed Nur oo ka baxsaday 2022, laguna eedeeyay inuu $5 milyan ka dhacay barnaamijka quudinta carruurta xilligii COVID-19.

IGAD Mobilises Stakeholders to Advance the Free Movement of Persons Protocol

The Intergovernmental Authority on Development (IGAD) has intensified efforts...

Soomaaliya oo bilaababday mashruuc $12 milyan oo lagu xoojinayo adkeysiga cimilada

Soomaaliya oo bilaabay mashruuc $12 milyan oo lagu xoojinayo adkeysiga cimilada – ma waxay ka caawin doontaa magaalooyinka?

Somalia Pushes for Visa-Free Horn of Africa

Mogadishu hosts a three-day IGAD meeting on easing cross-border movement, as officials push forward a regional integration plan first launched in 2017.

Waxaa Goordhow Magaalada Dhuusamareeb Caasimadda maamulka Galmudug gaaray Wafdi uu hogaaminayo Taliayaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Daahir Aadan Cilmi (Indhaqarshe) ,iyadoo halkaasi lagu soo dhaweeyay. Taliyaha iyo wafdiga la ka socday ayaa waxaa Garoonka diyaaradaha Dhuusamareeb kusoo dhaweeyay Wasiirka arrimaha Gudaha dowladda Federaalka Cabdi Maxamed Sabriye iyo xubno kale oo ka tirsan maamulka Galmudug. Sidoo […]

- Advertisement -

Waxaa Goordhow Magaalada Dhuusamareeb Caasimadda maamulka Galmudug gaaray Wafdi uu hogaaminayo Taliayaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Daahir Aadan Cilmi (Indhaqarshe) ,iyadoo halkaasi lagu soo dhaweeyay.

Taliyaha iyo wafdiga la ka socday ayaa waxaa Garoonka diyaaradaha Dhuusamareeb kusoo dhaweeyay Wasiirka arrimaha Gudaha dowladda Federaalka Cabdi Maxamed Sabriye iyo xubno kale oo ka tirsan maamulka Galmudug.

- Advertisement -

Sidoo kale Wafdiga Taliye Indha-Qarshe  ayaa waxaa kamid ahaa Taliyaha Ciidanka Booliska Bashiir Maxamed Cabdi Ameeriko,Taliyaha Ciidanka Asluubta Sarreye guud Bashiir Maxamed Jaamac iyo Saraakiil kale oo ka tirsan dowladda.

Ujeedka Taliyeyaasha Ciidamada dowladda Soomaaliya u gaareen halkaasi ayaa waxaa ay tahay,kadib markii Maamulka Galmudug iyo Ahlusunna Waljameeca ay Aqbaleen inay Magaalada Dhuusamareeb ka howlgalan dhammaan Hay’addaha amniga dowladda Federaalka.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa faray hey’adaha amniga dowladda federaalka Soomaaliya in sida ugu dhaqsiyaha badan uga howl galaan magaalada Dhuusamareeb si gogosha laga fidiyay ay ugu qabsoonto sida ugu habboon, looguna guulaysto dhismaha Galmudug loo dhanyahay sal adag oo u adeegta dadkeeda iyo ummadda Soomaaliyeed.

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories